Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo furay Tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo furay Tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, ayaa shalay Galabtii daah-furay tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Masar oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay garoonka kubadda cagta ee Wafaa-ul Amal.

Tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Masar oo Sanadkaan ay soo qaban qaabisay Safaaradda, ayaa waxa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka socda Xaafadaha ay dagan yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Safiir Ilyaas Sheikh Cumar, ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey tartanka Koobka kubadda cagta ee ramadaanka, waxana uu bogaadiyey sida habsamida leh ee loo soo agaasimay. Isagoo hoosta ka xarriiqay inay ka Safaarad ahaan soo dhaweynayaan Koobka maanta bilaabmay, islamarkaana ay si kal iyo laab ah ugu hagar baxeen horumarinta ciyaaraha isagoo yiri “Waxaa Sharaf, farxad iyo rayn-rayn ii ah inaan kasoo qaybgalay furitaanka Koobka Ramaadaan ee Jaaliyadda Masar, markasta oo dhallinyaradu ciyaaraysana qalbigaanu kala jirnaa Maadaama Ciyaaruhu ka qeyb qaataan isdhexgalla bulshadda waxaanu jecelnahay inay noqdaan kuwo dhalinyaradda ku kulmaan iskuna bartaan, haynteenna oo yar mooyaane wixii dhallinyarada horumarkooda ah kama hagraneyno.”

Intaa kaddib, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa si rasmi ah u bilaabay kubbaddii ugu horraysay ee Koobka lagu furay, waxaana maanta wada ciyaaray Kooxaha New Stars VS Itixaad iyo SYL VS Bucuus.


Previous Post

Tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Kulanka Golaha Wasiirrada oo lagu lafaguray amniga dalka

Next Post
Kulanka Golaha Wasiirrada oo lagu lafaguray amniga dalka

Kulanka Golaha Wasiirrada oo lagu lafaguray amniga dalka

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In