Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo furay Tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo furay Tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, ayaa shalay Galabtii daah-furay tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Masar oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay garoonka kubadda cagta ee Wafaa-ul Amal.

Tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Masar oo Sanadkaan ay soo qaban qaabisay Safaaradda, ayaa waxa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka socda Xaafadaha ay dagan yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026

Safiir Ilyaas Sheikh Cumar, ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey tartanka Koobka kubadda cagta ee ramadaanka, waxana uu bogaadiyey sida habsamida leh ee loo soo agaasimay. Isagoo hoosta ka xarriiqay inay ka Safaarad ahaan soo dhaweynayaan Koobka maanta bilaabmay, islamarkaana ay si kal iyo laab ah ugu hagar baxeen horumarinta ciyaaraha isagoo yiri “Waxaa Sharaf, farxad iyo rayn-rayn ii ah inaan kasoo qaybgalay furitaanka Koobka Ramaadaan ee Jaaliyadda Masar, markasta oo dhallinyaradu ciyaaraysana qalbigaanu kala jirnaa Maadaama Ciyaaruhu ka qeyb qaataan isdhexgalla bulshadda waxaanu jecelnahay inay noqdaan kuwo dhalinyaradda ku kulmaan iskuna bartaan, haynteenna oo yar mooyaane wixii dhallinyarada horumarkooda ah kama hagraneyno.”

Intaa kaddib, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa si rasmi ah u bilaabay kubbaddii ugu horraysay ee Koobka lagu furay, waxaana maanta wada ciyaaray Kooxaha New Stars VS Itixaad iyo SYL VS Bucuus.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Kulanka Golaha Wasiirrada oo lagu lafaguray amniga dalka

Next Post
Kulanka Golaha Wasiirrada oo lagu lafaguray amniga dalka

Kulanka Golaha Wasiirrada oo lagu lafaguray amniga dalka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In