Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulanka uu la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga iyo Macdanta ee dalka Kenya Xasan Cali Joho waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo danaha wadaaga, hanaanka Soomaaliya iyo Kenya ay isaga kaashan karaan dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga iyo macdanta intuba.

Labada Mas’uul ayaa isla gartay in gobalka uu ka jiro mustaqbal ifiya, loona baahanyahay in arrintas la dardargeliyo, gaar ahaan marka loo eego dhanka Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay qeyb ka yihiin.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa yiri “Haddii aan mideyno awoodeena waxaan furi karnaa waxyaabo dahan oo bulshadeena faa’iidooyin u leh

Soomaaliya iyo Kenya waxaa meel gabo gabo ah u maraya heshiis is afgarad oo dhanka kalluumeysiga ah, wada hadaladan waxa ay ka turjumayaan talaabooyinka muhimka ah ee lagu xoojinayo labada dal iyo sare u qaadidda xiriirka saaxiibada ku mideysan Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”.

Wasiirka Macdanta iyo dhaqaalaha buluugga ee dalka Kenya Xasan Cali Joho ayaa dhankiisa xusay in kulanka uu la qaatay Danjire Jabriil Ibraahim uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah, isla markaana ay si qoto dheer uga wada hadleen isdhaafsiga waxyaabaha ay wadaagaan labada dal ee dhinaycyada dhaqaalaha buluugga, macdanta iyo kheyraadka biyaha, lana gaarsiiyo gobalka intiisa kale.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin labada dhinac ka tirsan.

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaalada Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle uu ugu jiro xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya iyo tan urur goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Maadaama ay dowladdu ku guuuleysatay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Caalamka.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay siyaasadda habraaca Qaran ee Warbaahinta iyo arrimo kale

Next Post

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.

Next Post
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Muxuu Boqashadiisa Oslo uu kala soo laabtay?.

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In