Safiiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Tababarkan oo socday muddo todobo casho ah ayaa waxa ay ka qeyb galayaasha ku qaateen casharo ku saabsan Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (PPP) , kaasi oo ay bixxinayren quburo ka tirsan Hay’adda International Finance Corporation (IFC) ee hoostagra Bankiga Adduunka.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxda Hay’adda IFC iyo Mashruuca Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah, kuwaasi oo ku dheeraaday waxtarka uu u leeyahay Mashruucaan Guud ahaan Dalka iyo Dadka Soomaliyeed.
Sidoo kale qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaashii ka faa’iideystay intii uu Taba-barkaan socday ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ka faa’iideysteen.
Ugu dambeyn ayuu Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya waxa uu shahaadooyin Gudoonsiiyay Dhamaan wiilasha iyo Gabdhaha ka faa’iideystay Tababarkani.