Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada guud ee dalkaas

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada guud ee dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(SOUTH AFRICA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka South Afrika Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa maanta ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen dhammaan safiirrada waddamada Afrika ee fadhigoodu yahay dalka Koonfur Afrika.

Shirkan, intii uu socday, waxaa si rasmi ah looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya dowladaha caalamka iyo xiriirka dalalka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026

Shirka waxaa si gaar ah looga hadlay arrinta la xiriirta Israa’1l, oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah u aqoonsatay qaybo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa jeediyay qudbad muhiim ah, isagoo si cad u sheegay in tallaabo kasta oo lagu faragelinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin, kana hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Safiirku waxa uu xusay in Israa’1l ay isku dayayso inay u wareejiso dhibaatooyinka ka jira Bariga Dhexe dhul Soomaaliyeed, taas oo khatar ku ah amniga gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dhankooda, dhammaan safiirradii kulanka goob-joogga ahaa ayaa xusay inay ka soo horjeedaan tallaabada ay qaaday Israa’1L, ayna xasillooni-darro ku tahay xaaladda gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ay muqaddas tahay ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo midda cir ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale adkaynaysaa mowqifkeeda cad ee ku aaddan ilaalinta midnimadeeda dhuleed, isla markaana waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo go’aamada sharci ee caalamiga ah.

Previous Post

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay Shabakad Argagixiso

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In