Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo kulan la qaatay Ardayda Waxbarashada u joogta Dalkaas ” SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo kulan la qaatay Ardayda Waxbarashada u joogta Dalkaas ” SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait ahna Hormuudka Safiirada Wadammada Carabta ee fadhigoodu yahay kuwait Mudane Abdulqadir Amin Sheekh ayaa booqadsho u kuur gal xaalkooda ah ugu tegay Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashada ku jooga dalka Kuwait.

Ardaydaan ayey tiradoodu dhan tahay 36 arday oo isugu jira hablo iyo wiilal waxna ka barta heerarka kala duwan ee waxbarasho sida dugsi hoose,sare iyo heer jaamacadeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ugu horeyn Safiirka ayaa halkaas kaga dhageystey warbixin ah nolosha guud ee ardayda maamulka gacanta kuhaya ardaydaas, intaas ka gadaal ayuu danjire Amin halkaas kasoo jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay una janjeertey goobaabin iyo dheeragelin ardayda in ay ka faa’ideystaan fursada qaaliga ah ee ay nasiibka u yeesheen lagana doonaya in ay ku anfacaa dalkooda iyo ummadooda xusuusiyeyna in ay yihiin safiiro dalkooda matelaya sidaas darteedna looga baahanyahay in ay muujiyaan dadaal iyo karti dheeri ah.

Danjire C/qadir Amin ayaa gebagabadii hadalkiisa kula dardaarmey ardaydaas in ay noqdaan kuwo lagu daydo hormuudna u ah ardayda kala duwan ee ay la noolyihiin sidoo kelina ka qeybqaataan doorkooda ururka ardayda soomaaliyeed ee kuwait.

Qaar kamid ah Ardeyda oo iyaguna goobta ka hadley ayaa Safiirka uga mahadceliyey booqashadiisa iyagoona warbixin kooban kasiiyey xaaladooda nololeed kana ballan qaaday in ay fulin doonaan dhamaan dardaaranka uu u soo jeediyay ayna ku dadaali doonaan waxbarashada kana mira dhalin doonaan sidoo kalena u ballan qaadey Danjiraha in aynan dhaawici doonin sharafta iyo karaamada Ummada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale safiirka ku wehliyey xoghayaha koowaad ee safaarad Farxaan Gurxan iyo gudoomiyihii hore ee ururka Ardayda Soomaaliyeed ee kuwait Cabdalla Xuseen Dirir oo ayaguna halkaas ku goobaabiyey ardayda

kulanka ayaa ku soo idlaadey jawi ku dheehan farxad iyo reenreen.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka arrimaha gudaha “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

M.weyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Dalka Masar.

Next Post
M.weyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Dalka Masar.

M.weyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Dalka Masar.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In