Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo nuqul kamid ah Waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalkaasi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo nuqul kamid ah Waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalkaasi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Odowaa ayaa Nuqul kamid ah Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo u gudbiyey Ku-xiggeenka Ra’iisul Wasaaraha Kuwait ahna Wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi, waxaana kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda arrimaha dibada.

 

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Kulanka Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait uu la yeeshay Ku-xiggeenka Ra’iisul wasaaraha Dawladda Kuwait ahna Wasiirka arrimaha dibada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka ku-xiggeenka Wasaaradda arrimaha dibada, Kaaliyaha arrimaha Maamuuska ee Wasaaradda arrimaha dibada Kuwait, Kaaliyaha Wasiirka arrimaha Dibada, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait iyo Madax kale.

Safiirka cusub Soomaaliya u fadhin doona Kuwait ayaa madaxda dalkaasi ee uu la kulamay waxa uu kala hadlay Xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait iyo siddii loo sii dardar gelin lahaa iskaashiga labada dal.

Danjire Cabdullaahi Odowaa Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa sheegay in Dawladda Kuwait ay boggaadisay Horumarka iyo dib usoo kabashada Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in ay garab istaagaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Danjire Cabdullaahi Odowaa ayaa xusay in Madaxda Dawladda Kuwait ee kulanka uu la yeeshay ay u rajeeyeen in uu ku guuleysto Masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Previous Post

Kenya oo xukuntay Rag looga shakisan yahay Al-Shabaab

Next Post

Joint Press Statement: Federal Government of Somalia and the United Nations

Next Post

Joint Press Statement: Federal Government of Somalia and the United Nations

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In