Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee kuwait Oo Xariga Ka Jaray  Dugsi Xagaageedka Jaaliyadda “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee kuwait Oo Xariga Ka Jaray  Dugsi Xagaageedka Jaaliyadda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka kuwait Amb.C/qaadir Amin shiikh ayaa xariga ka jarey dugsi xagaageed loogu talagaley ardayda jaaliyadda oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Ugu horeyntii ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Safiirka Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka oo uu horkacayey Gudoomiyaha Golaha Eng.Maxamed Axmed Daahir sharaxaadna ka bixiyey dugsiga iyo waxyaalaha lagu dhiganayo yirina “Sacaadatu Safiir waxaan aad kaaga mahadcelineynaa si aad noogu dheeragelisay qabanqaabadad dugsigaan iyo taakuleyntiisa adoo sponsorgareeyey sacaadatu dugsidaan waxaa dhigta hadda arday gaareysa 60 arday da’doona tahay 5-14 jir waxaan lagu barayaa Afka soomaaliga,Af ingiriiska, quraanka kariimka ah, Farshaxanka,iyo culuum keli”.

Intaasi kaddib ayaa sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadley Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxamed Xaaji Axmed Khumeyni oo mahadcelin ka dibna ka sheekeeyey faa’iddad uu leeyahay dugsi xagaageedkan oo keli yirina waa tijaabadii koowaad oo ay jaaliyaddu qabato dugsi noocaan oo keli ah waxaan rajeyneynaa sanadka danbe in ay ardeydu gaarto 200.

Sidoo Kale waxaa hadalo dheeri gelin iyo mahadcelin ah ka jeediyey madasha u qaabilsanaha saafaarad dhanka waxbarashada  iyo qaar ka mid ah waalidiinta iyo macalimiinta wax ka dhigeysa dugsigaan.

intaas ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Safiirka soomaaliya u fadhiya kuwait Amb.C/qaadir Amin Shiikh oo madasha ka jeediyey hadal aad u soo jiitay ka soo qeybgalayaasha waxeyn aad ula dhaceyn iskuna bishaareyeen markii u safiirka u sheegay xubnaha jaaliyadda ineysan waxba ka jirin warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo beryahan laga sheegay qaar ka mid ah warbaahinta soomaaliyeed oo ahaa in  dowlada kuwait ay joojisay tiradoodna aad loo yareeyey waxbarashada ardayda soomaaliyeed ee dugsiga hoose.

Safiirka ayaa yiri “waxaan idin ku bishaareynayaa in ay tahay waxba kama jiraan wararka been abuurka ah oo in badan oo waalidiinta ka mid ah dareen weyn ku abuurey dowlada kuwait amiir iyo xukuumad iyo shacab waa dad walaalahood soomaaliyeed mar walba garabkooda taagan waana ogtihiin qadarinta iyo tixgelinta aan ku haysano dalkaan mahad haka gaarto walaalaheen Kuwiat, wararka noocaas oo keli ahna waxey la mid yihin wararkii hore oo inta yar ee horumarka jaaliyaddan ka xun ay isku dayaan in ay bal wax uun ka sheegaan lakin ilaah mahadiis waxaad tihiin jaaliyad isku duuban soomaalinimaduna ku weyn tahay” munaasabad furitaanka dugsigaan ayaa ku soo idlaatey jawi farxad iyo rayn rayn leh.

1 2 3 4 5 6

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Mooshinka Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Ay Ka Keeneen Madaxweynaha “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Wasaaradda waxbarashada oo soo saartay natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2014/15

Next Post

Wasaaradda waxbarashada oo soo saartay natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2014/15

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In