Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane aya booqday machadka China-Africa ee magaalada Beijing, waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka machadka Prof. Wang Xiaomingย iyo Prof. Zhang Yongpeng oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha geeska afrkia.
Prof Wang Xiaoming ayaa xustay muhimada kulanka ay la yeesheen safiirka Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in uu ahaa kulanka mid mira dhal ah.
Danjiraha ayaa booqday keydka buugaagta laga qoray xariirka Shiinaha iyo Afrika oo raacsan machadka.
Safiirka iyo masโuuliyiinta soo dhaweeyay ayaa qaatay kulan looga hadlay sidii loo horumarin lahaa xarriirka Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha iyo sidii ay u wada shaqeyn lahayeen Shiinaha iyo dalalka Geeska Afrika.