Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo cashir ka jeediyey Machadka (China-Africa institute)

admin by admin
August 2, 2021
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo cashir ka jeediyey Machadka (China-Africa institute)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkan ka mid noqday labada safiir ee lagu casuumo in ay machadka Shiinaha-Afrika ka jeediyaan cashir muhiim ah, kaasoo noqonaya cashirkii sanadka 11-aad ee machadka safiiro ka bixiyaan.

Safiir Cawaale Cali Kullane oo casharka mahcadkan ay ku qabanayeen magaalada Yan’an ee dalka Shiinaha ka jeediyay ayaa uga hadlay horumarka Soomaaliya iyo guulaha dhaqaale, midda amni, midda siyaasadeed iyo muhiimadda dhul-istaraajiyadeedka Soomaaliya leedahay, isagoo Danjiraha wax ka taabtay xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee ahaa mid soo jireen ah.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Amb. Cawaale ayaa sidoo kale uga warbixiyey dadkii ka soo qeybgalay casharka sida ay soomasliya ula dagaalayso saboolnimada iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha ee ay ku talaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobcayay heer la mahadiyo saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo in Soomaaliya ay sii waddo dib -u -dhiska hay’adaha maamulka dhaqaalaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa sidoo kale booqday goobaha ugu muhiimsan magaalada Yan’an oo ah magaalo taariikhi u ah dalka iyo dadka shiinaha oo ahayd magaaladii uu ka bilowday kacdoonkii dalka Shiinaha, si wax looga barto waayo-aragnimada dowladda Shiinaha u leedahay horumarinta iyo isku tashiga bulshadeed.

Safiir Cawaale ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo machadkaas ka bixiya cashir xaaladda dalkeena Soomaaliya ah.

Previous Post

Ayaan Aadan oo ku guuleystay doorashada kursi ka tirsan Aqalka Sare.

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo shir jaraa’id ku qabtay Deegaano Shabaab laga saaray “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo shir jaraa’id ku qabtay Deegaano Shabaab laga saaray “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo shir jaraa’id ku qabtay Deegaano Shabaab laga saaray “Sawirro”

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In