Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo Khartuum soo dhaweyn loogu sameeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 9, 2018
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo Khartuum soo dhaweyn loogu sameeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo dhoweynayay safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danire Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa maanta lagu qabtay magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Munaasabaddan oo si qurux badan loo soo agaasimay, isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa waxaa ka qayb galay Jaaliyadda, Ganacsato, Cullmaa’udiin, Salaaddiin, Madaxda Ururada iyo waliba Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Munaasabadda lagu soo dhaweynayay Safiir, Cabdirisaaq Shoole ayaa waxaa hadallo ka jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabada. iyagoo si wadajir ah u soo dhoweeyay Safiirka, waxayna u rajeeyen inuu la yimaado is-bedal wanaagsan.

Intii ay socotay Munaasabadda ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo ka hadlaysa horumarka Dalkeenna Hooyo, laguna dhiirri gelinayay shacabka Soomaaliyeed sidii ay wax u qabsan lahaayeen.

Danjire, Cabdirisaaq Axmed Shoole , ayaa gaba-gabadii goobta ka jeediyay khudbad dhinicyo badan taabaneysa, wuxuuna Soomaalida ku dhaqan Dalka Suudaan guud ahaan ka codsaday inay dhamaantood ilaaliyaan sharafta Calanka iyo magaca Ummadda Soomaaliyeed.

Safiir Cabdirisaaq Axmed Shoole oo ah aqoon yahay wax ku bartay Dalka Suudaan, ayaa ah shaqsi si weyn kaga war qabi kara xaaladda Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan.

Yuusuf Kashmiir

Previous Post

Diyaaradda Ethiopian Airways oo bilowday duulimaad toos ah oo labada dal “SAWIRRO”

Next Post

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ka wada hadlaya dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah

Next Post
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ka wada hadlaya dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ka wada hadlaya dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In