Safiirka Safaarada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dalka Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Suudan Eng. Cabdulqaadir Turkaawi, kulanka Danjiraha iyo Wasiirka waxaa ku wehliyay Madaxa Ganacsiga Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Beeraha.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka sooyaalka ee u dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Iskaashi dhan walba leh.
Danjiraha ayaa uga warbixiyay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dalka Suudaan, kheeyraadka faraha badan ee uu leeyahay Dalka Soomaaliya iyo sida muhiim u ay tahay inaynu iska kaashano horumarinta beeraha iyo wax soo saarkooda.
Waxa uu sidoo kale Danjiraha xusay in Iskaashatooyinka beeraleeyda ee labada dhan isku xerr buuxa ay wada yeeshan si ay uga wada faa’iideeystaan ganacsatada labada dhan dhoofinta dalagga beeraha.
Uga danbeeyntii, Danjiraha ayaa ka dalbaday Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dalka Suudaan sidii ay uga heli lahayeeyn Wasaarada beeraha Dalka Suudan dhul beereeyd ay maalgashadaan ganacsatada Soomaaliyeed ee daneeynaayo inay maalgashadaan dhul beereedkooda.
Wasiirka beeraha iyo Kheyraadka dabiiciga Dowlaha Suudaan ayaa soo dhaweeyay booqashada Danjiraha una balan qaaday inay dhamaan qodabda uu ka Hadlay, Danjiraha inay wax ka qaban doonaan ayna aad u wanaagsantahay in la xoojiyo xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sare u qaadista Iskaashiga labada Wasaaradood iyo beeraleeyda.