Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Somalia ee TalyaanigaRome.20.December..2014.Sabti,, Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo Maanta War Qoraal ah ka soo Saarey  Xafiiskiisa Magaalada Rome ee Xarunta Dalka Talyaaniga ayaa ugu horreyn hambalyo ku aaddan xuska sanadguuradii 71aad ee kasoo wareegatay maalintii la aasaasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u diray Dhammaan Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay Booliska waxqabadkii ay muujiyeen iyo sida ay ugu adeegeen Shacbigooda tan iyo markii la aas aasay maanta oo kale 20kii december sanadkii 1943.kii.

Safiirka Somalia ee Talyaaniga Muuse Xasan ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska uu kaalin weyn ku leeyahay hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed ugu xilsaaran xagga ammaanka, isla markaana Boolisku yahay  hooyada Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjire Muuse Xasan Cabdulle Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa dhanka kale isagoo ku hadlaya magaciisa iyo howlwadeennada safaaradda iyo jaaliyadda hambalyo ugu diray R.Wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke  ee dhawaan uu soo magacaabaya Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u rajeeyey in uu xilkiisa ku guuleysto gudashadiisa,  isla markaana uu ku bogaadiyey inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka ka samata bixisa dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed, uguna adeegta si hufan oo caddaalad ah.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in Safaaradda iyo Howlwadeennadeeda diyaar u yihiin mar kasta inay la shaqeeyaan R.Wasaaraha cusub iyo Xukuumaddiisa, isagoo ka dalbaday qeybaha bulshada inay taageeraan R.Wasaare Sharmarke iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono dhawaan, si loo gaaro hiigsiga ay Soomaaliya hiigsaneyso Sanadka 2016.

Previous Post

Baarlamaanka oo ka hadlay wax ka badal lagu sameeyo Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha

Next Post

Munaasabadda xiritaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga agoonta Rajo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO+VIDEO”

Next Post

Munaasabadda xiritaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga agoonta Rajo oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO+VIDEO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In