Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay kulan ardayda Soomaaliyeed ku yeesheen Ankara

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay kulan ardayda Soomaaliyeed ku yeesheen Ankara

Danjire Maxamed Mursal iyo Wariye Xudeyfi- SAWIR HORE

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay shir  ay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaasi ay ku yeesheen magaalada Ankara ee xarunta waddanka Turkiga.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qeyb galay culimo iyo saraakiil ka socotay safaaradda. Kulanka waxaa lagu soo bandhigay xaaladda ay ardayda Soomaaliyeed ku sugan yihiin iyo tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Danjire Maxamed Mursal ayaa ardayda Soomaaliyeed ku guubaabiyay inay ka faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay helaan isla markaana ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka iyo dowladda Turkiga ee deeqda waxbarasho siiyay.

Sidoo kale Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan oo safaaradda u qaabilsan hiddaha iyo tacliinta ayaa ka hadlay shirkaan, isagoo tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay ardaydan ka sugeyso inay dalka kula soo laabtaan cilmiga la baray isla markaana ay bulshada wax ku soo kordhiyaan.

Kulankaan oo lagu magacaabo “Ankara show” ardayda SOomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ayaa sanadkii mar qabsada, waxaa dadka ka soo qeyb galay sanadkaan ka mid ahaa Sheekh Bashiir Amaal cali Mire oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Previous Post

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb

Next Post

Guddiga ku howlan xallinta dagaal-beeleedka ka dhacay Beledweyne oo go’aanno soo saaray

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Guddiga ku howlan xallinta dagaal-beeleedka ka dhacay Beledweyne oo go'aanno soo saaray

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In