Dowladda Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada xiriirka gaarka ah uu kala dhexeeyo Dalka Turkiga, waxaana sii xoogeysanaya Iskaashiga iyo wadaagga labada dal.
Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa beeniyay warar ay warbaahinta qaar baahiyeen, oo looga been shegayay xiriirka adag Labada dal ee walaalaha ah Turkiga iyo Soomaaliya.
Safiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in anay jirin wax mugdi ah oo soo kala dhexgalay xiriirka labada Dal, iyo sida dowladda Turkiga ay u garab taagantahay dadka Soomaaliyeed.
halkan ka dhageeyso wareeysiga Safiirka