Thursday, July 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka Qeyb Galay Munaasabad Ka dhacday Magaalada Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka Qeyb Galay Munaasabad Ka dhacday Magaalada Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaaladda Muqdisho ayaa lagu Qabtay markii labaad Kullanka Aradadayda Caalamiga ah ee Turkiga, kaas oo ay soo qaban qaabiyeenj Ururka Ardayda Caalamiga ah ee Turkiga (UDEF), iyo Jaamacada Zamzam ee Magaalada Muqdisho,

Laga Bilaabo bari ilaa Galbeed Duni Cadaalada ayaa salka dhigtay Soomaaliya, oo Shirwaynaha Ardayda Caalamiga ah kulankiisa 12. Aad ayaa lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho markii labaad.

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026

Munaasabad lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, Wakiilka UDEF ahana ku xigeenka kuxigeenka Madaxa Yunus Emre Association Sukru Ozer, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho Abdirisak Dahir, Xoghayaha Guud Zamzam Foundation Mahamed Ahmed Barreey, Rektorka Jaamacadda Zamzam  niversity Da’ud Mohamed Makaraan, Wakiilka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya Maxamed Sabriye Iidle, Iskuduwaha TiKA Galip Yılmaz iyo Agaasimaha Machadka Yunus Emre ee Soomaaliya, Tuna Balkan, Ardayda Jaamacadda Zamzam, Midowga Qalinjabiyayaasha Turkiga, Salaad Yusuf Cadoow, Ardayda ka soo qalin jabisay Turkiga iyo Martisharaf kale. Barnaamijka ayaa lagu daah furay aayado ka mida Qur`aanka kariimka, waxaa kalmada furitaanka barnaamijka jeediyay Mr. Shukrut Özer, oo ah Madaxweyne Ku-Xigeenka Yunus Emre International Student Association.

Özer ayaa sheegay in sanadkaan kulanka Ardayda caalamiga ah uu leeyahay Halku dhig muhiim ah  waxaa uuna yiri: “Sanadkaan waxaan la soo baxnay halku dhig ah  laga bilaabo Bariga ilaa Galbeedka Duni Cadaalad ah. Kulamada ayaa ka dhacay 51 waddan iyo 91 magaalo oo ay ka mid tahay Muqdisho oo manta Nasiib u yeelatay in lagu qabto. Waan ku faraxsanahay in aan keeno, waxaan u mahad celinayaa dhamaan inta nagu gacan siisay qabsoomida Barnaamijka, “ayuu yiri.

Safiirka Dowladda turkiga ee Dalka Maxamed Yilams oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo turkiga uu ahaa mid Soo jireen ah, burburkii Dowladda Dhexe Soomaaliya ka dib uu dib u xoogaystay Booqashadii Madaxwaynaha turkiga rajjep tayip Erdogan ku yimid Muqdisho Sanadii 2011, xiligaasi oo Dalka ay ka jirtay Abaar Baahsan, Booqashaasina ay indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya.

Xiriirada labad adal waa kuwa keenaya in Turkiga Soomaaliya ka fuliyo mashaariic fara Badan oo teegeero dhinacyo kala duwan, meelaha aan sida gaar ah xooga u saarno waxaa ka mida Caafimaadka amaanka, waxbarashada iyo dhinacyo kale oo hormarineed, mana ku kkoobna iskuulkaan Macaarif, waxaa Jira taageero ay bixiso TIKA xafiiskeeda Soomaaliya, Deeqo waxbarasho aan siino Ardayda Soomaaliyeed, kuwaa oo waxbarashadooda ka dib aan doonayno in ay dalkooda u shaqeeyaan shuruud ayaana uga dhignaa ruuxa aan siinaysno deeq waxbarasho in uu dalka ku soo laabto.

Xoghayaha Guud Zamzam Foundation Mahamed Ahmed Barreey oo ay hoos tagto Jaamacada Zamzam ayaa u mahadcelineynaa UDEF, Barnaamijka ay Muqdisho ku qabteen, sidoo kale dowladda iyo shacabka turkiga ayuu uga mahad celiyay taageeridooda Soomaaliya, isaga oo xusay in Jaamacadda Zamzam ay ka mid tahay waxyaabaha ka dhashay xiriirka Labada dal ee Soomaaliya iyo turkiga.

 

Previous Post

Shir looga hadlayo Islaam nacaybka oo Maanta ka furmaya Dalka Turkiga

Next Post

Dood ku saabsan Maareynta kala Aragti Duwanaanta Bulshada oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Next Post
Dood ku saabsan Maareynta kala Aragti Duwanaanta Bulshada oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Dood ku saabsan Maareynta kala Aragti Duwanaanta Bulshada oo Muqdisho lagu qabtay "Sawirro"

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS,...

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

July 15, 2026
0

Somali National University (SNU) has officially launched the Somali National Artificial Intelligence Centre (SNAIC), a Centre of Excellence established to...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

July 15, 2026
0

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda(SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In