Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“DAAWO”Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo qalab guddoonsiiyay maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
“DAAWO”Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo qalab guddoonsiiyay maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta Hay’adda Tika ee Dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha fulinta Mashaariicda dowladaasi bixiso ayaa maanta waxa ay xaruanta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kula kulmeen Maamulka sare ee Jaamacadda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaamacadda Dr Maxamed Axmed Jimcaale iyo Labadiisa ku xigeen.

Maamulka Jaamacadda Ummadda iyo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u soo nooleynta xarumaha bur bursan ee Jaamacadda ay Dalka ku lahayd, iyadoo Maamulkuna uu faah faahin ka siiyay Danjiraha Aas Aaskii Jaamacadda, heerarkii ay soo martay iyo dib u howl gelinta Jaamacadda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Axmed Jimcaale ku wareejiyay 40 Kombiyuutar, waxaana uu balan qaaday in Dowladda Turkiga ay waxayaabaha ay muhiimada siineyso ay ka mid noqon doonto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, marwalbana ay dhiiri gelin doonaan Waxbarashada.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen safiirka uu yahay mid ay kaga wada hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qalabeynta Jaamacadda.

Dhanka kale Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta u fariistay Imtixaankii ugu horeeyay ee ay Jaamacaddu qaado muddo 23 sano kaddib.

Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa ahayd halka ay ka soo maaxato aqoonta, waxaana ay safka hore kaga jirtay Jaamacadaha ugu horumarsan Qaaradda Afrika.

Previous Post

“DAAWO”Maamulka Gobolka oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay guri uu lahaa

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In