Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya oo markale ka hadlay socdaalkiisa “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 14, 2015
in Wararka
0
Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya oo markale ka hadlay socdaalkiisa “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa sheegay in socdaalkiisa ay la xiriirto sidii uu bulshada u tusi lahaa inay dalka ka jirto Nabad, isla markaana ay shacabka isaga kala gooshi karaan meelkasta oo ay rabaan oo ay meesha ka baxday in qofka uu isku koobo in uusan aadi karin qaar ka mid ah gobollada dalka.

Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguud ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay socdaalkiisa uu ku marayo gobollada dalka ee uu ugu magac daray socdaalkii Nabadda, waxaana uu bulshada ugu baaqay ka shaqeynta nabad gelyada dalka.

“Waxan iminka ku suganahay magaalada Dhuusamareeb, waxa ay qeyb ka tahay socdaalkeyga aan ugu magac daray socdaalkii Nabadda, runtii bulshada ayaan rabaa in aan tusiyo nabadda jirta, socdaalkeyga halkan kuma eka, meelo kale ayaan socdaal ku tegi doonan, si diiran ayaana la igu soo dhaweeyay” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Maxamed Cali Ameeriko ayaa xusay in xalay magaalada Cadaado loogu sameeyay xaflad lagu soo dhaweynayay oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa, isagoo tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay sida loogu soo dhaweeyay dhamaan meelihii uu socdaalka ku soo maray.

Halkan ka dhageyso Wareysiga

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/08/Wareysi-Maxamed-Cali-Ameeriko-14.08.2015.mp3

 

Previous Post

Akhriso go’aanka guddoonka Baarlamanka “War-saxaafadeeda”

Next Post

Qaybtii Saddaxaad ee Carruurta Dibjirka ah oo laga Uruuriyay Muqdisho

Next Post
Qaybtii Saddaxaad ee Carruurta Dibjirka ah oo laga Uruuriyay Muqdisho

Qaybtii Saddaxaad ee Carruurta Dibjirka ah oo laga Uruuriyay Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In