Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sahra Samatar: “Dowladda Federaalka Waxaa ka go’an in Qaxootiga Yemen Jooga wax loo qabto.”Wasiirka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Sahra Samatar: “Dowladda Federaalka Waxaa ka go’an in Qaxootiga Yemen Jooga wax loo qabto.”Wasiirka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka, Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa walaac weyn ka muujisay xaaladda Soomaalida ku sugan dalka Yemen, bacdamaa uu dagaal ka socdo dalkaas. Wasiiradda ayaa tiri “Dowladda Federaalka Waxaa ka go’an in Qaxootiga Yemen jooga wax loo qabto.”

Wasiir Sahra ayaa ku nuuxnuuxsatay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo Qurbojoogta Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan dadaalada Dowladda Federaalka ee ku aadan sidii Soomaalida joogta Yemen ay u heli lahaayeen gar-gaar deg-deg ah.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Wasiirada ayaa tiri “Dowladda kaligeed wax ma qaban karto, waana waajib na wada saaran inaan u midowno gargaarka shacabkeena si ay u helaan gar-gaarka ay sida deg-dega ah ugu baahan yihiin.

Dadaal kasta oo aan wadno ee ku aadan sidii shacabkeena meel walba ay joogaan aan ugu gurman laheyn haddana waxaan u baahanahay taageerada shacabka gaar ahaan ganacsatada iyo Qurbojoogta Soomaaliyeed si qof kasta oo muwaadin ah uu u helo xaquuqda uu istaahilo.”

Wasiir Sahra oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 29kii Maarso la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Mr Ban Ki-Moon oo waxyaabihii uu kala hadlayna ay ka mid aheyd sidii qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Yemen ay hay’ada UNHCR ay ugu gurmad laheyd, tanoo ah waajibaadka Qaramada Midoobey.

Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa hay’ada UNHCR inay si deg-deg ah ugu gurmadaan Soomaalida qaxootiga ku ah Yemen. Dowladda Federaalka waxey diyaar u tahay inay UNHCR kala shaqeyso sidii gurmadkaas loo dedejin lahaa.”

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka, Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa hadalkeeda ku soo gabogabeysey “Waan la soconaa in qaxootiga Soomaalida ay soo gaareen dekedda Boosaaso iyo Djibouti, waxaana beesha caalamka gaar ahaan deeq bixiyeyaasha ugu baaqayaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan sidii Soomaalida qaxootiga ee dalka ku soo laabaneysa ay u heli lahaayeen hooy, raashin iyo nolol maalmeed.

Soomaalidaas intooda badan waa dumar iyo caruur oo aad ugu nugul rafaadka, loona baahan yahay inaan wax walba oo aan sameyn karno aan sameyno.

Maamulka Puntland iyo Dowladda Djibouti ma dabooli karaan baahiyaha jira sidaas daraadeed waa in gar-gaar deg-deg ah lala soo gaaraa.

Sidoo kale Dowladda Federaalka waxey ka howlgali doontaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu gurman lahaa oo dalkooda si nabad ah loogu soo gaarsiin lahaa, tanoo ay Dowladdu horey ugu gurmatay dadkii joogey dalalka South Sudan iyo Kenya, waxaana naga go’an muwaadiniintiina xaquuqdooda inaan u istaagno oo aan badbaadsano dadkeena meel walba oo ay joogaan.

Previous Post

15-qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weererkii Jamaacadda Garissa

Next Post

Golaha wasiirada oo maanta ka hadlay qodobo badan

Next Post
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”

Golaha wasiirada oo maanta ka hadlay qodobo badan

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In