Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saldhig Booliis oo deegaanka Sadax Higlo maanta laga dhagax dhigay “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Saldhig Booliis oo deegaanka Sadax Higlo maanta laga dhagax dhigay “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo mudooyinkii u danbeeyay uu maamulka Galmudug ku howlanaa wax ka qabashada falalka amaan darada iyo jidgooyooyinka sharci darada ah ee ay maleeshiyaadka hubeysani dhiganayeen wadada isku xirta magaalooyinka Galkacyo iyo Galinsoor ayaa waxaa maanta mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan kuwa booliiska Galmudug ay si rasmi ah u dhagax dhigeen saldhig ciidamada booliiska Galmudug lagu wado in ay ka sameeystaan deegaanka sadax higlo oo qiyaas ahaan magaalada Galkacyo 50 kilo mitur uga beegan dhinaca koofureed.

Munaasabada dhagax dhigga saldhiga ciidanka booliiska deegaanka 3 higlo oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin  saraakiil iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay taliyaha qeybta booliiska
Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka saldhigaaan looga yagleelayo deegaanka sadax higlo.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

“Muhiim maaha saldhig in la dhisaa laakiin muhiimadu waxay tahay muxuu qabanayaa saldhigaan waxaa loo dhisayaa in dadku ay amni ku helaan nabad galyo ku helaan wax kasta oo dagmadaan iyo deegaanada ku dhaw
dhaw dhib ku haya sidii wax looga qaban lahaa in ay gacan ka geystaan wax badan ayaan ku taamayay hirgalinta saldhigaan waxaana u mahad celinayaa dhalinyarada garatay in ay dhulkaan bixiyaan”  ayuu yiri G/sare Maxamed Nuur Cali.

Taliyaha qeynta boolisska gobolka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali ayaa dhinaca ka codsaday bulshada
deegaankaasi in ay ciidamada amaanka ka gacan siiyaan la dagaalanka maleeshiyaadka isbaarooyinka dhiganaya deeganada u dhaxeeya Galkacyo Iyo Galin soor.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug mudane Aweys Cali Saciid oo isna madasha ka hadlay ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo bulshada deegaanka sadax higlo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeeyaan
maamulka iyo ciidamada Amaanka.

“Wax aad loogu farxo ayaan saaka dul taaganahay waana arin umadda Soomaaliyeed iyo tan Galmudug gaar ahaan deegaanadaan gobalka Mudug la rabo in ay ku daydaan dabagalaan qolo walibana ay u istaagto dagmadeeda sida sadax higlo dhalinyaradeedii iyo gabdhaheedii isku abaabuleen ayaga waan uga mahad celinaynaa”  ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Mudug.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed

Sawir Qaade Wariye C/risaaq Maxamed Axmed

Previous Post

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Gaalkacyo Qado Sharaf Ugu Sameeyey Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In