Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saldhig Booliis oo deegaanka Sadax Higlo maanta laga dhagax dhigay “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Saldhig Booliis oo deegaanka Sadax Higlo maanta laga dhagax dhigay “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo mudooyinkii u danbeeyay uu maamulka Galmudug ku howlanaa wax ka qabashada falalka amaan darada iyo jidgooyooyinka sharci darada ah ee ay maleeshiyaadka hubeysani dhiganayeen wadada isku xirta magaalooyinka Galkacyo iyo Galinsoor ayaa waxaa maanta mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan kuwa booliiska Galmudug ay si rasmi ah u dhagax dhigeen saldhig ciidamada booliiska Galmudug lagu wado in ay ka sameeystaan deegaanka sadax higlo oo qiyaas ahaan magaalada Galkacyo 50 kilo mitur uga beegan dhinaca koofureed.

Munaasabada dhagax dhigga saldhiga ciidanka booliiska deegaanka 3 higlo oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin  saraakiil iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay taliyaha qeybta booliiska
Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka saldhigaaan looga yagleelayo deegaanka sadax higlo.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Muhiim maaha saldhig in la dhisaa laakiin muhiimadu waxay tahay muxuu qabanayaa saldhigaan waxaa loo dhisayaa in dadku ay amni ku helaan nabad galyo ku helaan wax kasta oo dagmadaan iyo deegaanada ku dhaw
dhaw dhib ku haya sidii wax looga qaban lahaa in ay gacan ka geystaan wax badan ayaan ku taamayay hirgalinta saldhigaan waxaana u mahad celinayaa dhalinyarada garatay in ay dhulkaan bixiyaan”  ayuu yiri G/sare Maxamed Nuur Cali.

Taliyaha qeynta boolisska gobolka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali ayaa dhinaca ka codsaday bulshada
deegaankaasi in ay ciidamada amaanka ka gacan siiyaan la dagaalanka maleeshiyaadka isbaarooyinka dhiganaya deeganada u dhaxeeya Galkacyo Iyo Galin soor.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug mudane Aweys Cali Saciid oo isna madasha ka hadlay ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo bulshada deegaanka sadax higlo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeeyaan
maamulka iyo ciidamada Amaanka.

“Wax aad loogu farxo ayaan saaka dul taaganahay waana arin umadda Soomaaliyeed iyo tan Galmudug gaar ahaan deegaanadaan gobalka Mudug la rabo in ay ku daydaan dabagalaan qolo walibana ay u istaagto dagmadeeda sida sadax higlo dhalinyaradeedii iyo gabdhaheedii isku abaabuleen ayaga waan uga mahad celinaynaa”  ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Mudug.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed

Sawir Qaade Wariye C/risaaq Maxamed Axmed

Previous Post

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Gaalkacyo Qado Sharaf Ugu Sameeyey Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In