Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanad guurada 71 aad ee Boliiska Soomaaliya oo maanta laga xusay Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo lagu weynaynaayay maalinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka December taas oo ay ka soo wareegatya 71 sano, munaasabadan oo maanta lagu qabtay Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraala Kaahiyee oo ku taala degmada Xamar Jajab ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, saraakiisha sar sare ee Boliiska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Munaasabada xuska 71 sano guurada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntii Ciidanka Boliiska waxaa ay ku soo bandhigeen Barxadda Janaraal Kaahiye Gaadi ka ciyaar iyo dhoola tus kala duwan oo mas’uuliyiintii munaasabadda goobjooga ka aheyd iyo dadweynihi ka daawanayay Shaashadda TVga Qaranka Soomaaliyeed oo si toos ah u tabinayay ay si aad ah uga heleen bandhigyadaasi.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kooxda Heegan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ka qeyb qaadanaya dabaaldega munaasbadda xuska 71 sano guurada Ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo munaasabada hadda ka socoda Akadeemiyadda tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye.

Munaasabadda xuska sanad guurada 71 aad ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale waxaa lagu qabtay qaar kamid ah gobolada dalka gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaas oo saakay lagu qabtay munaasabad ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed, maamulka gobolka Baay iyo saraakiisha qeybta Boliiska Soomaaliyeed ee gobolka Baay.

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo soo ceshatay Xubinnimadii Machadka Qorsheynta Carabta ”SAWIRO”

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In