Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SANAD GUURADDII 59KII XORNIMADA IYO MIDEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED. Q.1-aad

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
SANAD GUURADDII 59KII XORNIMADA IYO MIDEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED. Q.1-aad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Runtii muran kama taagna in taariikhda baal dahab ay kaga jiraan maalmaha 26ka Juun iyo 1 Luuliyo waa maalmihii madaxbanaanida iyo midowga Qaranka Soomaaliyeed waa maalintii ay baxeen murtidii ahayd . “ Maanta curatoo, mataano dhasheen aan maalno hasheenna Maandeeq iyo Saaxiirkii kala guurnay sarreeow ma nusqaamow aan siduu yahay u eego kaana siib – kana saar”.

Runtii waa maalin weyn oo loo baahan yahay in Ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay xusaan maanlintaani qiimaha badan, waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay waa na maalintii gacanta gumeysiga aan ka baxnay hase yeehee muddo dheer ka dib kuwa wax magarato ah ay la damacsan yihiin in ay Soomaaliya dib ugu celiyaan gunnimo taasoo aan mar na ba la aqbali Karin. Waxaa ayaan daro ah 59 sano oo aan xor ahayn ka dib midnimaddii iyo is aaminaadii Ummadda Soomaaliyeed ay burburtay, himiladdii soomaali weyna halkaasi ayay ku dhamaantay balse Soomaalidii xorta ahayd ayaan manta nasiib daro noqotay kuwa shan Madaxweyne iyo shan calan oo qabiil ku wada salaysan arrintaasi nasiib daro ku timid Shacabka Soomaaliyeed oo loo adeegsadday nidaamkii gumeysiga oo ahaa “Qaybi oo Xukun”, taasoo lagu marin habaabinaayo ujeeddooyinkii iyo himilooyinkii halgankii xisbigii SYL oo ahaa Soomaali weyn oo mideysan

Hase yeeshee waxaan ilaaahay ka rajayneynaa in ay dib u soo noqoto midnimaddii shalay iyo sharaftii Shacabka Soomaaliyeed runtii xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid halganka adag ee dadweynaha Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har weyn oo ku baxa dhiiga dadweynaha} , xornimadau waa qaali ma ah mid ku timid si fudud, balse waxaa lagu bixiyey naf iyo maal isla markaasi na loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey dhiigood qaaliga ah isla markaasina u geeriyooday .

Related posts

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026

Runtii gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgan adag, wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn. Mataanayaashii Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed sharuud la’aan, maxaa yeelay Waqooyi had iyo jeer waxay ka shaqeyn jirtay raadinta midnimada Soomaali weyn haddana waxaan leenahay shacabka reer soomaaliland in aysan garab marin halgankii iyo himiladii xisibgii xornimadoonka ahaa ee SNL oo mar walba ka shaqeyn jiray inuu Soomaali weyn raadiyo taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in Soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey Ingriiska inuu isku daro 5-ta Soomaaliyeed , ammaantaasi waxaa iska leh Odayaashii shalay naftood u hurayan gumeysiga na ka diiday xukunkiisa ahaa qeybi oo xukun, sannadkii 1947dii mar labaad cuqaashii reer Waqooyi inkastoo aan tiro ahaan ku soo koobi Karin balse qaar ka mid ah xuso oo kala ah sida tan hoos ku qoran:-

1. Suldaan Maxamuud Cali Shire
2. Suldaan Cali Muuse
3. Suldaan Maxamed Faarax
4. Suldaan Xirsi Cabdullahi
5. President General SNS: Saciid Caabi
6. Xoghayaha Guud SNS : Maxamud Jaamac Uurdoox
7. Yuusuf Imaan Burcaawi
8. Adan Cabdi
9. Maxamuud Cabdi Caraale
10. Akhil Yuusuf Xirsi

Odeyaashaasi kor ku xusa dhowr jeed codsi kale duwan ay u jeediyeen maamulkii colonial Office ingriiska, in sharuud la’aan Soomaaliya oo mideysan in la gaarsiyo xornimo buuxa, iyagoo ku adkeynaayey dawladda Ingariiska in Soomaali mideysan la helo ka dibna ingriiska hogaanka u qabto, qoraalkii Uurdoox u gudbiyey uu ku sheegay in 90% Ummadda Soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta Soomaaliyeed ah , maadaama Ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan Soomaaliya marka laga reebo Djabuuti oo ay gacanta ugu jirtay dawladda France, taasoo ay ka codsadeen inuu gorgortan la galo dawlada France, si ay ugu soo wareegto gacanta dawlada Ingriiska.

Waa arrin laga naxo in mirihii gobanimadoonka ay ku burburaan gacan Soomaaliyeed oo aan dan ka laheyn dadka iyo dalka ba , kuwaa soo dalkoodii ku bedashay dollar isla markaasi na aan oggoleyn in ay dib u soo noqoto Qaranimaddii iyo heybaddii dalka uu lahaa , laakiinse maalin maalmaha ka mid ah ay dib u soo noqon doonto haddii alla idmo awoodii iyo midnimaddi Shacabka Soomaaliyeed, runtii xornimadda Ummadda Soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan adag ayaa loo soo galay oo naf iyo maal ba loo huray. Xisbigii SYL Koonfur iyo SNL Waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, Shacabka reer Waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midnimadda soomaali weyn Pan Somalisim, taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda Waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in Soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta Soomaaliyeed.

Sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u jeediyeen Ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in Soomaali mideysan la helo oo Ingriiska hoggaanka u qabto isla markaasina gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka kooban Soomaali weyn, qoraalkii Uurdoox u gudbieyey uu ku sheegay in 90% Ummadda Soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta Soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba Soomaaliya, taasoo aheyd himilada Shacabka Soomaaliyeed.

Haddii aan si kooban aan u dul maro taariikhda 26ka Juun iyo 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi karin qoraalkaani laakiinse waxaan jecelahay in aan waxa yar ka xuso. Bishii September 1949-kii Jammacadda Qaramada Midoobey shirweynii ay yeesheen waxay go’aansadeen in Soomaaliya loo dhiibo maamulkeedii Dawladda Talyaaniga iyadoo 4tii dawladood oo ah kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka muddo10 sano ah in Soomaaliya la gaarsiiyo xornimo.

La soco qeybta 2-aad

Qore: Abdulkadir Ali Bolay
waana habeyntii C/laahi Ruush

Xigasho: SONNA

Previous Post

Ciidanka ammaanka oo soo qabtay eedeeysane loo haysto dil +Sawirro

Next Post

US joins calls for Myanmar to end internet shutdown

Next Post
US joins calls for Myanmar to end internet shutdown

US joins calls for Myanmar to end internet shutdown

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
0

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 ayaa  𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍𝒆

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kaga qayb-galay...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In