Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanad guuradii Shanaad ee ka soo wareegtay Xasuuqii Shamoow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sedaxdii December sanadkii 2009  waxey dadka Soomaaliyeed u aheyd maalin madoow oo waxaa Hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 40 ruux,  kuwaas oo isugu jiray waalidiin, Arday, mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddi  R/wasaare Cumar C/rashiid, dhaqaatiir, wariyeyaal iyo dad kale oo aad u badan.

Hotelka Shaamow waxaa ka socotay munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalinjabisay Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho kuwaas oo bartay culuunta kala duwan ee lagu dhigo Jamacaddaasi.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay arday ka qalin jabisay Jaamacadda Banaadir  waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsanaa xukuumaddii KMG aheyd,  waxaana ka mid ahaa wasiirradii ka qeyb galay munaasabadda wasiirka wasaaradda caafimaadka Qamar Aadan Cali, wasiirkii wasaaradda waxbarashada Maxamed C/llaahi Waayeel, wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare, Prof  Ibraahim Xasan Cadoow, wasiirkii wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble.

Sidoo kale munaasabadii maalintaas dhaceysay dadkii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa dhakhaatiir kala duwan kuwaas oo qaarkood ay bareyaal ka ahaayeen Jaamacadda Banaadir, arday, waalidiin aad u faraxsan kuwaas oo caruurtooda kala qeyb galay munaasabadda shahaado gudoonsiinta ah iyo wariyeyaal lagu casuumay munaasabadda si ay farxadaasi bulshada Soomaaliyeed ugusoo tabiyaan.

Jawigu waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan ardaydu waxa ay ku labisnaayeen dharka lagu yaqaano dadka ka aflaxay waxbarashada jaamacadeed ee shahaadada lagu guddoonsiiyo.

Dadkii ku sugnaa goobta waxa ay ahaayeen kuwo dhageysanayey khudbadaha ay jeedinayeen qaar ka mid ah ka qeyb galeyaasha, marqura waxaa is badalay jawigii  ku dheehnaa farxada waxaa la maqlay qarax weyn oo gilgilay Hotelkii, jawiga waxa uu noqday mid isku badalay murug.

Qaraxii ka dhacay Hotelka waxa uu galaabtay dad badan oo ay kujireen Seddax wasiir oo mar qura goobta ku nafbaxay kuwaas oo kala ahaa Qamar Aadan Cali wasiirkii caafimaadka, Maxamed C/llaahi Waayeel wasiirkii waxbarashada iyo prof  Ibraahim Xasan Cadoow  iyadoo ay ku geeriyoodeen dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof  Maxamed Aadan Warsame “Shahiid”.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyooday arday waalidiin iyo wariyeyaal ku sugnaa goobta munaasabada ay ka dhaceysay, qaraxaasi sababay dhimashada dad badan waxaa ku faanay maleeshiyada kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale qaraxaas oo ahaa mid murugo xooggan kaga tagay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed waxaa ku dhintay suxufiyiin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaade ka tirsan  telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.

Markii uu dhacay qaraxa waxaa shir jaraa’id qabtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka geeriyodeen dadkii ku dhintay qaraxa uga tacsiyeeyay geeridii ku timid.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan qalqal galin doonin hanaanka dowladiisa waxa uuna intaasi ku daray in howsha halkeeda ay ka socon doonto.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa waxaa loo qaaday dalka Kenya kadib waxaa loo duuliyay dalka Sacuudi Carabiya waxaana dadkii dhaawacooda la qaaday ku jiray wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo mudo kadib u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxa.

Waalidiinta dhalay ardaydii lagu laayey qaraxaas ayaa iyaguna dareenkooda muujiyay iyadoo qaarkood ay sheegeen in lagu dilay qaraxaas caruurtooda oo ay dhibaato kusoo koriyeen waxna ku bareen, si ay u anfacaan naftooda, dadkooda, dalkooda iyo waalidiintood.

Al shabaab waxa ay si aan ka leex leexasho laheen u qirteen qaraxii ka dhacay hotelka waxaana la rumeysanyahay in qaraxaasi uu fuliyay mid ka mid ah maleeshiyaadka kooxda shabaab oo ka yimid dalka dibadiisa.

Kuma ekaan shabaab Qaraxaasi,  bahalnimada ah Shaamoow ee waxaa jiray qaraxyo badan oo ay ku laayeen arday iyo dad waxgal u ah bulshada waxa ayna inta badan horjoogeyaasha ka tirsan shabaab ay sheegaan in dadka ay xasuuqeen ay yihiin kuwa ka baxay diinta.

Dhaqanka shabaab ayaa ah kuwo ay kasoo minguuriyeen wadamada carabta kuwaas oo inta badan ay ka dhacaan falal isqarxin ah oo lala eegto dadka bulshada waxgalka u ah taasi oo ay uga golleeyihiin iney bulshada indha tiraan.

 

by: Omar Hassan Khaire

Previous Post

Madaxweynaha J. F. S. oo saaka u ambabaxay Baydhabo

Next Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Next Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In