Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanadguurada Sedexaad Oo ah Markii  La Doortay Xasan Sheekh Oo Xalay Loo Dabaaldagay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha “Midoga Yurub taageerada uu siiyo Soomaaliya maaha mid qarsoon ee waa mid muuqata sida Akadeemiyadda oo kale”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani lagu xusay sedex sano guuradii ka soo wareegtay markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud loo doortay Xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadaasi ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadda intii ka hadashay ayaa ku dheeraatay ka sheekeynta dadaaladii balaarnaa ee Dowladda Soomaaliya u gashay samata bixinta umadda Soomaaliyeed, iyo horumarada laga gaaray dhinacyada ammaanka,waxbarashada,dar dargalinta hanaanka dowladnimo,iyo arrimo kale, kuwaa oo ay u riyaaqeen ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Related posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo khudbad ka jeediyay munaasabadaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay munaasabadani uuna ugu hambalyeynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda sedexda sano ee u buuxsantay, waxaana uu ilaah uu uga baryay in ku guuleeyo xilka balaaran ee Umadda Soomaaliyeed uu u  hayo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo munaasabada Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay horumarka laga gaaray dhinaca Dowladnimada, isagoo sheegay in markii hore uu qabay fekirka ah in horumarka la heysto in aan la gaarin , isagoo tusaale u soo qaatay xiligii la dhaarinayay Xildhibaanada hada shaqeynaya 2012-kii oo uu tilmaamay in la waayay xili habeen ah meel lagu dhaariyo oo lagu dhaariyay sida uu tilmaamay Xerada Xalane oo waagaa mugdi eheyd laakiin Iftiin looga dhigay nalalka baabuurta, laakiin mid ka badalan taasi uu dalka uu marayo amaanteedana uu leeyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo guud ahaan Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gunaanadka munaasabadda khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaalada wadanka meesha laga yimid iyo halka loo socdo ayaa sheegay xiligii xafiiska uu imaanayay caqabada badan ay jireen oo dalka heysatay laakiin dadaal badan ay ka gudbiyeen caqabadahaasi, waxa uu si qoto dheer kaga hadlay waxqabadka mudadii sedex sano ee uu hogaanka u hayo dalka sida loogu guuleystay dhinacyada ammaanka iyo xoreynta deegaanada kooxaha xagjirka dadka ay ku dhibaateynayeen.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradeena Soomaaliyeed badankoodu aysan heysan shaqo ku filan taasina sabab ay u tahay bur burkii dalka soo gaaray 1991-kii oo uu tilmaamay aabaha 30-jirka ah oo xiligaa ay eheyd in waxbarasho uu helo uusan helin taasina ay sababtay shaqo la’aantaasi hadduu shaqeeyana ay tahay in qori uu qaado ama xamaali uu noqdo, waxaana taa badalkeeda uu balanqaaday madaxweynaha in fursado waxbarasho ay u abuurayaa dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa uu ka hadlay dadaalka loo soo maray furista Jaamacadii umadda iyo hadda horumarka laga gaaray jaamacada oo uu tilmaamay in waqti dhow jaamacada ay bixin doonto waxbarasho lacag la’aan ah oo ah midi markii hore lagu yaqiinay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiiyeeyay shilkii ka dhacay magaalada Makkah

Next Post
Madaxweynaha oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiiyeeyay shilkii ka dhacay magaalada Makkah

Madaxweynaha oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiiyeeyay shilkii ka dhacay magaalada Makkah

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In