Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanadguuradii 45aad ee Aas Aaska Hayadda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka oo Caawa Si Weyn Muqdisho looga dabaal degay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Sanadguuradii 45aad ee Aas Aaska Hayadda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka oo Caawa Si Weyn Muqdisho looga dabaal degay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saartay Qalalaasihii Boorama

December 6, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

December 6, 2025

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo caawa lagu qabtay Taliska Ciidanka sirdoonka iyo Nabadsugidda qaranka ee Degmada Shibis ayaa waxaa ka qeybgalay M.weynaha Jamhuuriyadda fadaraalka ah ee soomaaliya Xasan Sh Maxamuud,Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka C.raxmaan Maxamed Tuuryare,Qaar kamid ah Taliyaashii hore ee hayadda Soomaray, Guddoomiayaha Gobalka ahana duqa magaalada muqdisho,Taliyaha Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha, Saraakiil ka kala socotay Ciidanada qalabka sidda ee soomaaliya,Iyo Ciidmanka Midowga Afrika Amisom, Dublumaasiyiin ka kala socotay safaaradaha dowladaha caalamka u fadhiya soomaaliya, kooxda baambeyda ciidanka booliska,fanaaniin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo furitaanka Xafladda Hadal ka jeediyay Ayaa Aad u bogaadiyay Howlaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ay u heyso bulshada Soomaaliyeed isagoo uga hambalyeeyay Sanadguurada 45aad ee hay’adda oo caawa loo dabaaldagay.
Janaral Axmed Dayib Dhagacaleen oo ku hadlayay magaca ciidanka Booliska soomaaliyeed ayaa sheegay in wada sheqeyb xoog leh ay leeyihiin ciidanka Sirdoonka iyo nabadsugidda soomaaliyeed taasina ay sabab u noqotay ciidamada amaanka ay ka hortagaan falal dambiyeedyo qorsheysnaa oo cadawgi doonayay in ay ka geystaan magaalada muqdisho iyo deeganada kale ee dhawaan laga xureeyay Cadawga Al-shabab.
Amaanduulaha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed C.rasaaq Khaliif Cilmi oo ku hadlay magaca taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa isna hablayo u diray ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.
Ka qeybgalayaasha xafladda ayaa hayaddu waxa ay u soo bandhigtay Vido lagu miijanayay waxqabadkii hay’adda iyo sida looga hortagay dambiyo qorsheysan oo la doonayay in laga geysto meelo kala duwan oo dalka kamid ah taas oo aad u soo jiidatay dadkii daawanayay.
Gababadii xafladda waxaa hadalka qaatay taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka soomaaliyeed C.raxmaan Maxamed Tuuryare oo jeediyay qudbaddii loogu talagalay xafladda, isagoo mahadnaq iyo bogaadin u diray saraakiisha Dableyda,Xaasaskooda iyo caruurtoodaba Sanadguurada 45aad ee aas aaska NISA Aawgeed.
Taliayaha ayaa sidoo kale tacsi u diray saraakiishii iyo Askartii geeriyootay sanadkii lasoo dhaafay isagoo alle u weydiiyay Janatul Firdowsa.
Gunaanadka Xafladda ayaa waxaa soo xiray M.weyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md Xasan Sh Maxamuud oo Amaanay Dadaalka Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.
M.weyne Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in aysan soomaaliya ka jirin Awood Al-shabab, Hase yeeshee ay jiraan kooxo yar yar oo bulshada ku dhex dhuumata, taas oo loo baahanyahay in waalidiinta iyo Qeybaha kale ee bulshada ay kala shaqeyaan sidoo loogu gacan galin lahaa hayadaha Amaanka.
M.weyne Xasan sh Maxamuud ayaa ugu dambeyn in rajeeyay Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka Guul iyo Hormar iyo in sanadka soo socda meel ka wanaangsan sida sanadkan uu gaaro Amaanka Dalka Soomaaliya.

Previous Post

Gool haye Victor Valdes oo Ku Biiray Kooxda Manchester United

Next Post

Wufuud ka kala socota Urur gobaleedka IGAD oo ku soo qulquleysa magaalada muqdisho

Next Post
Wufuud ka kala socota Urur gobaleedka IGAD oo ku soo qulquleysa magaalada muqdisho

Wufuud ka kala socota Urur gobaleedka IGAD oo ku soo qulquleysa magaalada muqdisho

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saartay Qalalaasihii Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama....

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha hoose,wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa...

Ciidamada Xaq U Dirirka Oo Hawlgal Qorshaysan Kula Soo Wareegay Deegaan Dhaca Galgaduud

Ciidamada Xaq U Dirirka Oo Hawlgal Qorshaysan Kula Soo Wareegay Deegaan Dhaca Galgaduud

December 6, 2025
0

RADIO MUWDISHO:-Ciidamadda Xaq-U-Dirirka Deegaanka ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Cowsweyne,kaas oo qiyaastii 50km u jira degmada Ceeldheer,waxaana ay si...

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Dhiggiisa Baarlamaanka Caalamiga Ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Dhiggiisa Baarlamaanka Caalamiga Ah

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa munaasabad soo dhaweyn ah xalay ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In