Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanadguuradii 45aad ee Aas Aaska Hayadda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka oo Caawa Si Weyn Muqdisho looga dabaal degay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Sanadguuradii 45aad ee Aas Aaska Hayadda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka oo Caawa Si Weyn Muqdisho looga dabaal degay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo caawa lagu qabtay Taliska Ciidanka sirdoonka iyo Nabadsugidda qaranka ee Degmada Shibis ayaa waxaa ka qeybgalay M.weynaha Jamhuuriyadda fadaraalka ah ee soomaaliya Xasan Sh Maxamuud,Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka C.raxmaan Maxamed Tuuryare,Qaar kamid ah Taliyaashii hore ee hayadda Soomaray, Guddoomiayaha Gobalka ahana duqa magaalada muqdisho,Taliyaha Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha, Saraakiil ka kala socotay Ciidanada qalabka sidda ee soomaaliya,Iyo Ciidmanka Midowga Afrika Amisom, Dublumaasiyiin ka kala socotay safaaradaha dowladaha caalamka u fadhiya soomaaliya, kooxda baambeyda ciidanka booliska,fanaaniin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo furitaanka Xafladda Hadal ka jeediyay Ayaa Aad u bogaadiyay Howlaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ay u heyso bulshada Soomaaliyeed isagoo uga hambalyeeyay Sanadguurada 45aad ee hay’adda oo caawa loo dabaaldagay.
Janaral Axmed Dayib Dhagacaleen oo ku hadlayay magaca ciidanka Booliska soomaaliyeed ayaa sheegay in wada sheqeyb xoog leh ay leeyihiin ciidanka Sirdoonka iyo nabadsugidda soomaaliyeed taasina ay sabab u noqotay ciidamada amaanka ay ka hortagaan falal dambiyeedyo qorsheysnaa oo cadawgi doonayay in ay ka geystaan magaalada muqdisho iyo deeganada kale ee dhawaan laga xureeyay Cadawga Al-shabab.
Amaanduulaha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed C.rasaaq Khaliif Cilmi oo ku hadlay magaca taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa isna hablayo u diray ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.
Ka qeybgalayaasha xafladda ayaa hayaddu waxa ay u soo bandhigtay Vido lagu miijanayay waxqabadkii hay’adda iyo sida looga hortagay dambiyo qorsheysan oo la doonayay in laga geysto meelo kala duwan oo dalka kamid ah taas oo aad u soo jiidatay dadkii daawanayay.
Gababadii xafladda waxaa hadalka qaatay taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka soomaaliyeed C.raxmaan Maxamed Tuuryare oo jeediyay qudbaddii loogu talagalay xafladda, isagoo mahadnaq iyo bogaadin u diray saraakiisha Dableyda,Xaasaskooda iyo caruurtoodaba Sanadguurada 45aad ee aas aaska NISA Aawgeed.
Taliayaha ayaa sidoo kale tacsi u diray saraakiishii iyo Askartii geeriyootay sanadkii lasoo dhaafay isagoo alle u weydiiyay Janatul Firdowsa.
Gunaanadka Xafladda ayaa waxaa soo xiray M.weyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md Xasan Sh Maxamuud oo Amaanay Dadaalka Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.
M.weyne Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in aysan soomaaliya ka jirin Awood Al-shabab, Hase yeeshee ay jiraan kooxo yar yar oo bulshada ku dhex dhuumata, taas oo loo baahanyahay in waalidiinta iyo Qeybaha kale ee bulshada ay kala shaqeyaan sidoo loogu gacan galin lahaa hayadaha Amaanka.
M.weyne Xasan sh Maxamuud ayaa ugu dambeyn in rajeeyay Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka Guul iyo Hormar iyo in sanadka soo socda meel ka wanaangsan sida sanadkan uu gaaro Amaanka Dalka Soomaaliya.

Previous Post

Gool haye Victor Valdes oo Ku Biiray Kooxda Manchester United

Next Post

Wufuud ka kala socota Urur gobaleedka IGAD oo ku soo qulquleysa magaalada muqdisho

Next Post
Wufuud ka kala socota Urur gobaleedka IGAD oo ku soo qulquleysa magaalada muqdisho

Wufuud ka kala socota Urur gobaleedka IGAD oo ku soo qulquleysa magaalada muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In