Munaasabad balaaran oo lagu xusayey sanadguuradii 5-aad ee kasoo wareegta dib u hawlgalintii telefishinka qaranka Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay magaalada london, taasoo ay soo qaban qaabiyeen bahda warbaahinta Qaranka ee dalkan Igriiska ayaa waxaa ka qayb galay, mas’uuliyiin iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Mas’uuliyiinta warbaahinta Qaranka ee dalka ingiriiska,ayaa munaasabada si kooban ugu soo bandhigay taariikhda telefishinka qaranka Soomaaliyeed, markii la,asaasay iyo dib uhawlgalintiisii intaba intaasi kadib waxaaa hadalka lawareegay dadwaynihii kasoo qaybgalay oo amaanay warbaahinta qaranka hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed .
intii ay socotay xaflada waxaa khadka telefoonka uga qayb galay agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed mudane Cabdinaasir Xuseen iyo wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yasriisow, waxaanay hambayo iyo bogaadin u direen bahda warbaahinta qaranka ee ku kala sugan guud ahaan daafaha caalamka.
Dhanka kale waxaa xafladan ka qaybgalay qaar kamida suugaan yahannada Soomaaliyeed iyo fanaaniin goobta kusoo bandhigay suugaan ay ku cabirayeen dareenkooda ku aaddan munaasabadan .
Abdirahman Somali
Warbaahinta Qaranka
London UK