Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanadguuradii Afaraad Ee Ka Soo Wareegtay Booqashadii Koobaad Ee Erdogan Ku Yimid Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 24, 2015
in Wararka
0
Sanadguuradii Afaraad Ee Ka Soo Wareegtay Booqashadii  Koobaad Ee Erdogan Ku Yimid Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar sano ka hor guud ahaan xaalada Soomaalıya waxay aheyd mıd aad halıs u ah, waxaa wadanka ku dhiftay abaar tii ugu ba’neyd taas oo ay wehliyeen dagaalo qaraar oo ka socday magaalooyin badan oo wadanka ka mid ah, nabadgelyo daro guud iyo cuduro kuwaas oo nolosha dadka Soomaalıyeed geliyay ciriiri sababay rejo beel, dowlada Soomaaliya iyo shacabka ayaa qeylo dhaan u diray caalamka si looga soo gaaro nolosha malaayiintaas  Soomaaliyeed, nasııb daro lama helin jawaab suurto gelisa in la badbaadıyo nolosha dadkaas, taasina waxay sababtay quusatiin ıyo nıyad jab.

19/08/14 ayaa waxay noqotay maalin baal dahab ah ka gashay taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxay ahayd maalintii uu dalkeena booqashada taariikhiga aheyd ku yimid Raisulwasaare Recep Dayib Erdogan kaas oo hogaamınayay wefdi aad u balaaran oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tıisan golahiisa wasiirada, xildhibaano, xaaskiisa ıyo weliba qaar ka mid ah caruurtiisa, waa markii ugu horeysay mudo k abadan labaatan sano uu Soomaaliya booqasho ku yimaado mus’uul ka socda wadan ka baxsan qaarada Afrika ayna la socdaan wefdi sıdaas u balaaran, Madaxweyne Erdogan oo markaa ahaa Raisulwasaaraha dalka Turkiga ayaa markıı uu soo degay  toos u abaaray xerooyinkıı qaxootiga halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Soomaalıyeed oo ay wajıyadooda ka muuqatay dhibaatada haysata, warbaahinta caalamka ayaa soo saaray muuqaalka RW Erdogan ıyo xaaskıısa oo dhabta ku haya caruur Soomaaliyeed oo la il daran nafaqo daro, hadaladii uu maalıntaa jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa ‘’Waxaa la yiraa Muqdisho lama tegi karo, waa nimid si aan taa u beenino, kuwo kalena wey imaan doodnaan’’ booqashadaasi waxay albaabka u furtay madaxda caalamka kuwaas oo markaaa ka dib bilaabay ın ay ku soo qulqulaan Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

September 18, 2025

Waxaa furmay wejı cusub oo aad u xoojiyay xiriirka Turkiga ıyo Soomaaliya, waxaa is badelay muuqaalka dadka iyo guud ahaan dalka, waxaa kor u kacay hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed taas oo noqotay isbedel muuqda oo la taaban karo.

Albaabka laga soo galo caasimada Soomaaliyeed ee ah gegida diyaaradah Muqdisho markii aad soo gaaray ayaad arkaysaa muuqaal madaar caalami ah oo soo jiidanaya indhahaaga, kuma eka ee wadooyinka isku xirayay magaalada iyo gegida diyaaradaha oo ahaa kuwo burbursan ayaa helay dib u dhis, nadiifin iyo iftiin, waxaa dowlada Turkiga ee aanu walalaha nahay horseed ka noqotay horumarinta hanaanka caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska guud, siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Waqtı dheer ayay qaadanaysaa in hal qormo lagu soo ban dhigo isbedelkii iyo horumarkıı la gaaray  booqashadaas taariikhiga ah kadib, waxayse dadka Soomaaliyeed u noqotay mıd ayan hilmaami doonin ın si rasmi ah magaalada gudaheeda looga furay Safaaradii Turkiga taas oo noqoatay tiir adag oo door shariif ah ka ciyaara xiriirka saaxibtinimo iyo walaalnimo ee labada dad, in ay shaqo bilaabay Turkish airlines taas oo ilaa maanta ah duulimaadka kaliya ee  isku xira Soomaaliya iyo caalamka intıısa kale, waxaa deeq wabarasho helay kudhawaad laba kun arday Soomaaliyeed ah, la garab taagnaanta adeegyada aas aasiga ah ee bulshadu u bahan tahay iyo guud ahaan in weli walaalaha Turkigu ay barbar taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Baker Bozdag Isbital Bekir Bozdag & Ambassador bozdag-somali Cartoon220115 DSC03765 Erdogan14 Erdogan-Sharif 2 Erdogan-Sharif

BASBAKAN RECEP TAYYIP ERDOGAN, ESI EMINE ERDOGAN VE BERABERINDEKILER SOMALI'NIN BASKENTI MOGADISU'DA WARDIKLEY KAMPINDAKI HASTA COCUKLARLA ILGILENDI. BASBAKAN ERDOGAN, COCUKLARIN KENTTEKI TURK HASTANESINE NAKLI KONUSUNDA SOMALI HUKUMETINDEN YARDIM ISTEDI (ANADOLU AJANSI - FIRAT YURDAKUL) (20110819)
BASBAKAN RECEP TAYYIP ERDOGAN, ESI EMINE ERDOGAN VE BERABERINDEKILER SOMALI’NIN BASKENTI MOGADISU’DA WARDIKLEY KAMPINDAKI HASTA COCUKLARLA ILGILENDI. BASBAKAN ERDOGAN, COCUKLARIN KENTTEKI TURK HASTANESINE NAKLI KONUSUNDA SOMALI HUKUMETINDEN YARDIM ISTEDI (ANADOLU AJANSI – FIRAT YURDAKUL) (20110819)
Somali&açlık ve kuraklık
Somali&açlık ve kuraklık

IMG_2172 IMG_2175

SOMALI'NIN BASKENTI MOGADISU'DA, TURK KIZILAYI TARAFINDAN YAPTIRILAN ANKARA STADI'NDA, FUTBOL TURNUVASI DUZENLENDI. TURNUVADA DERECEYE GIREN TAKIMLARA KUPALARI, TURK KIZILAYI TARAFINDAN VERILDI. (ANADOLU AJANSI - MUHITTIN SANDIKCI) (20120722)
SOMALI’NIN BASKENTI MOGADISU’DA, TURK KIZILAYI TARAFINDAN YAPTIRILAN ANKARA STADI’NDA, FUTBOL TURNUVASI DUZENLENDI. TURNUVADA DERECEYE GIREN TAKIMLARA KUPALARI, TURK KIZILAYI TARAFINDAN VERILDI. (ANADOLU AJANSI – MUHITTIN SANDIKCI) (20120722)

St st3 Turkish_Oldwoman

By: Axmed Guuleed

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Dib U Eegista Miisaaniyadda “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo dib Muqdisho ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley caleema saarka madaxda maamulka KMG ee Galmudug “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo dib Muqdisho ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley caleema saarka madaxda maamulka KMG ee Galmudug “Sawirro”

Madaxweynaha oo dib Muqdisho ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley caleema saarka madaxda maamulka KMG ee Galmudug "Sawirro"

Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay saldhigga Booliska...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

September 18, 2025
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise...

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025
0

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In