Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo tababar loogu so xiray Jowhar

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Saraakiil ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo tababar loogu so xiray Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

56 sarkaal oo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa qaatay tababar soconayay muddo shan maalmood ah oo ku saabsan maareynta nidaamka Dadweynaha.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa laga soo kala xulay saldhigyada kala duwan ee booliska magaalada Jowhar waxaana ku jiray 15 sarkaal oo haween ah.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo qeybta Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa diiradda lagu saaray xakameynta dadka, maareynta rabshadaha iyo bannaanbaxyada.

Taageerada hawlgalka Booliska AMISOM ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah la -talin iyo tababar si looga caawiyo dhisidda awoodda ay ku maareyso sharciga iyo kala dambeynta dalka iyo gudashada waajibaadkeeda heerarka caalamiga ah.

“Kani wuxuu koorso muhiim ah u ahaa shaqaalaha SPF wuxuuna muhiim u ahaa ka -hortagga sharciga iyo kala -dambaynta inta lagu guda jiro doorashooyinka,” ayuu yiri Eliud Mutama, oo ah isku -duwaha booliska AMISOM ee Hir-Shabelle

Maxamed Axmed Kulmiye, Isuduwaha Amniga ee Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayaa sheegay in tababarada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin hagaajinta xaaladda amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

“Waxaan rajeyneynaa in saraakiishu ay gudan doonaan waajibaadkooda ayna hormarin doonaan ujeeddooyinka ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta dhammaan degmooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle,” ayuu yiri Kulmiye.

Muuse Yussuf Dhuxulow, Taliyaha Saldhigga Booliska Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar, ayaa rajo ka muujiyay in tababarkan uu sare u qaadi doono waxqabadkii fulinta sharciga iyo kala dambeynta.

“Aqoonta aan ka helnay tababarka waxay noo sahleysaa inaan iskaashi la yeelano shacabka si aan u sugno amniga iyo kala dambeynta inta lagu jiro doorashada iyo ka dib,” ayuu yiri Dhuxulow.

AMISOM ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay waday tababaro ay siineyso Ciidamada Booliska dowlad Goboleedyada, kuwaas oo intooda badan la barayay sugida amniga doorashooyinka.

Tags: Saraakiil ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo tababar loogu so xiray Jowhar
Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraal Maxamed Sheekh Madoobe

Next Post

Dad badan oo udhintay Covid-19 Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Next Post
Dad badan oo udhintay Covid-19 Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Dad badan oo udhintay Covid-19 Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In