Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan booliska koonfur galbeed oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 23, 2019
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Abaandullaha oo Ciidamada Booliska ugu Hambalyeeyay Sanadguurada  75aad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Taliyaha ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ahna Taliyaha Booliiska Gobolka Baay Gaashaanle Dhexe Amiin Maxamed Daruur ayaa tababar ugu soo xiray Baydhabo ciidamo ka tirsan Booliiska Koonfur galbeed, si ay uga qeyb qaataan xoojinta Nabadgelyada guud ahaan Gobollada Baay iyo Bakool.

Tababarkan oo socday muddo lix cisho ah, isla markaana ciidanka la barayay hanaanka ay ula dhaqmi lahaayeen shacabka iyo dhowridda xaquuqda aadanaha ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka kala socotay Gobollada Baay iyo Bakool.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Qaar ka mid ah ciidanka ka faa’iideystay tababarka ayaa sheegay inay gaarsiin doonaan askarta kale ee aan nasiibka u yeelan, ayna ku dhaqmi doonaan casharada ay

Ku-simaha Taliyaha ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ahna Taliyaha Booliiska Gobolka Baay Gaashaanle Dhexe Amiin Maxamed Daruur ayaa sheegay in saraakiishan ay ka kala yimaadeen gobollada Baay iyo Bakool, loona baahanyahay inay xoojiyaan la shaqeynta shacabka.

“Waxaa la idin tababaray sidii aad u bad baadin lahaydeen shacabka deegaanada Koonfur Galbeed, habdhaqanka qofka la soo xiro ee eedeysanaha ah iyo dhowridda xaquuqda aadanaha” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Amiin.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Baarow ayaa sheegay in booliska uu uga mahadcelinayo sugidda Amniga magaalada Baydhabo, isagoo kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

“Waxaan idinka rajeyneynaa in wixii aad halkan ku barateen aad ku dabaqdaan howsha la idin xilsaaray, waxaana codsaneynaa in la joogteeyo tababarada nuucaani oo kale ah, macalimiintana waxaan uga mahadcelinayaa tababarka ay siiyeen saraakiisha” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Amniga Koonfur Galbeed.

 

Previous Post

Somalia Government is Drafting a National Action Plan to Assist People with Disabilities and Survivors of Explosive Hazards

Next Post

Shirka horumarinta Maaliyadda dalka oo lagu soo gabo gabeynayo Uganda

Next Post
Shirka horumarinta Maaliyadda dalka oo lagu soo gabo gabeynayo Uganda

Shirka horumarinta Maaliyadda dalka oo lagu soo gabo gabeynayo Uganda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In