Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo maanta tababar loo soo xiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaad tababar ciidan uga socda Baydhabo oo la kormeeray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sarakiishan oo muddo 4 bilood ah u socday tababarkan ayaa lagu barayey Hoggaanka  Taliyayaasha, horin iyo  unug , ka jawaabidda qaraxyada qorshaysan iyo la dagaallanka   argagixisada ayaa ah sarakiil dhawaan Taliska Ciidanka Millatariga Soomaaliya u magacaabay xilal.

Ciidankan tabarka loogu soo xiray Xerada Tababarkaaga Ciidanka ee Jazeera 2 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ah 58 sargaal, waxayna soo bandhigeen waxyabahii ay barteen taasoo  ay daawanayeen Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiil ka socday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed iyo Midowga Yurub kuwaasoo bixiyey tabarka. Munaasabadda ayaa Shahaadooyinka  lagu guddoonsiinayey ciidankaas.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Brigadier General Antonio Maggi Taliyaha howlgalka tabbarka ciiidanka Soomaaliya ee  Midowga Yurub  oo ugu horreyn ka hadalay xafladaasi ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka  go’an tahay sidii ay gacan uga geysan  lahaayeen tayeynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed.

“Anigoo ku hadalaya magaca Howlgalka Tabarka Ciidanka Sooamlida  ee Midowga  yurub waxaana  naga  go;an inaan   tababarno Ciidanka Soomaaliya, kuwaasi oo aan doonayno  markaan  tababarno kadib in ay sii tababbaraan kuwa kale, waxaanavdoonaynaa  in ay  noqdaan kuwa  dalkooda difaaca” Brigadier General Antonio Maggi.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka ahna kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa hadal dheer oo isku jiray dardaaran iyo dhiirigelin u jeediyey  Sarakiisha tababarka loo soo xiray maanta.

 “Waxaan idiin sheegayaa haddii tababarkii maanta la idiin soo xiray sarkaal kasta oo idinka mid ah waxaa loo dhiiibi doonaa ciidankii loo magacaabay in uu  hoggamiyo kuwaasi  oo ah ciidan kale oo dhowaan loo soo xiray tababar, waana  in dalka guud ahaan aad ka xoraysaan malishiyaadka  UGUS”

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa horey tababarro noocaan oo kale ah gudaha dalka ugu sameeyey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo dalka dibaddiisa tababarrada ku soo qaadan jiray.

Previous Post

Arday baratay luuqada Turkey oo Muqdisho shahaadooyin lagu gudoonsiiyay

Next Post

Shir-Cilmiyeed ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga oo Muqdisho lagu qabtay – SAWIRRO

Next Post
Shir-Cilmiyeed ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga oo Muqdisho lagu qabtay – SAWIRRO

Shir-Cilmiyeed ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga oo Muqdisho lagu qabtay - SAWIRRO

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In