Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdifataax Qaasim iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan gaashaanfhigga ayaa ka qeyb-galay xaflad lagu dhiiri-galinaayey Shahaado siinta saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo ka qeyb qaatay Xuska 12-ka April ee sanadguurada 62 aad.
,Xafladdaasi waxaa sidoo kale ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye , Taliyaha CXDS Gen.Odawaa Yuusuf Raage iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan ciidanka xogga.
Wasiir ku Xigeenka iyo xubnijii kale ee ka hadlay xafladdaasi,waxa ay bogaadiyeen dadaalada ku aadan tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-dhiska ciidanka ee xilliyadaan ka muuqda dalka .