Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan Hay’adda SoDMA oo tababar ugu soo gabagaboobay dalka Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Saraakiil ka tirsan Hay’adda SoDMA oo tababar ugu soo gabagaboobay dalka Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ee aqoon-kororsiga ugu joogay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa maanta usoo gabagaboobay tababarkoodii ku saabsanaa ka hortagga iyo yaraynta musiibooyinka Soomaaliya.

Tababarkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Shiinaha, halka ay fulinteeda lahayd Red Cross Society of China.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Xafladda xiritaanka oo lagu qabtay xarunta hay’adda Red Cross Society of China ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno sarsare oo ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, oo ay horkacaysay Danjire Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha. Waxaa sidoo kale goobta qudbado ka jeediyay Mr. Song Yi, Deputy Director General of External Liaison Department of Red Cross Society of China iyo Mr. Yin Zheng, Deputy Director of Chinese Red Cross National Training Center Mas’uuliyiintaasi waxay kula dardaarmeen saraakiisha SoDMA inay dalka dib ugu celiyaan aqoontii iyo xirfadaha cusub ee ay ka faa’iideen tababarka.

Mr. Song Yi ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada hay’adood, wuxuuna bogaadiyay dadaalka saraakiisha SoDMA. Waxuuna intaasi ku daray in tababarro hor leh oo aqoon-kororsi ah la sii wadi doono mustaqbalka.

Ugu dambeyntii, xafladda waxaa si rasmi ah u soo xirtay Danjire Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha. Waxay uga mahadcelisay dowla Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxay hambalyo iyo mahadnaq aan lasoo koobi karin dusha kaga tuurtay Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha iyo Hay’adda Red Cross Society of China.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad oo furay munaasabad lagu xusayay maalinta Dalxiiska Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In