Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan Hay’adda SoDMA oo tababar ugu soo gabagaboobay dalka Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Saraakiil ka tirsan Hay’adda SoDMA oo tababar ugu soo gabagaboobay dalka Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ee aqoon-kororsiga ugu joogay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa maanta usoo gabagaboobay tababarkoodii ku saabsanaa ka hortagga iyo yaraynta musiibooyinka Soomaaliya.

Tababarkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Shiinaha, halka ay fulinteeda lahayd Red Cross Society of China.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Xafladda xiritaanka oo lagu qabtay xarunta hay’adda Red Cross Society of China ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno sarsare oo ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, oo ay horkacaysay Danjire Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha. Waxaa sidoo kale goobta qudbado ka jeediyay Mr. Song Yi, Deputy Director General of External Liaison Department of Red Cross Society of China iyo Mr. Yin Zheng, Deputy Director of Chinese Red Cross National Training Center Mas’uuliyiintaasi waxay kula dardaarmeen saraakiisha SoDMA inay dalka dib ugu celiyaan aqoontii iyo xirfadaha cusub ee ay ka faa’iideen tababarka.

Mr. Song Yi ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada hay’adood, wuxuuna bogaadiyay dadaalka saraakiisha SoDMA. Waxuuna intaasi ku daray in tababarro hor leh oo aqoon-kororsi ah la sii wadi doono mustaqbalka.

Ugu dambeyntii, xafladda waxaa si rasmi ah u soo xirtay Danjire Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha. Waxay uga mahadcelisay dowla Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxay hambalyo iyo mahadnaq aan lasoo koobi karin dusha kaga tuurtay Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha iyo Hay’adda Red Cross Society of China.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad oo furay munaasabad lagu xusayay maalinta Dalxiiska Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In