Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida oo shir ku saabsan kiisaska argagixisada uga qeybgalay Ethiopia

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida oo shir ku saabsan kiisaska argagixisada uga qeybgalay Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay sida xogta argagixisada loogu bedelo caddeymo maxkamadda horteeda kaasoo lagu qabtay dalka Ethiopia.

Shirkan waxa soo qaban qaabiyay  xafiiska IGAD  uqaabilsan dhinaca ammanka , waxaana ka qeyb galayay dowladaha  ku midoobay urur gobaledka IGAD  sida Somalia Ethiopia kenya Jabuuti suudaan Ugandha iyo Tanzania oo qeyb ka ah barig Africa, Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa dowladda kale oo iyagne soo dirsaday khubaro ku xeel dheer  sida USA  iyo UK.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Soomaaliya waxaa uga qeyb galay saraakiil ka socotay maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo ay ka mid ahaayeen xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Ahmed Jiinow Xasan, waxa uuna uga war bixyay warbaahinta dowladda wax yaabaha gaarka ah oo Somalia ay la tagtay iyo waxa  ay k soo faa’ideen,

waxa uuna sheegay in aad dhankooda loogu amaanay maddama ay Soomaaliya ka mid tahay marka loo fiiriyo wadamada  IGAD  wadanka aad ula dhaqmo  dambiyda Arga-gixisada.

“Saddax maalin ayuu soconayay shirkan waxaana la tagnay sida aan ula dhaqano kiisaska arga-gixisada runtii wax badan ayaan ka soo faa’idnay sidaas oo ay tahayne wax badana ayey inagane naga faa’ideen waana mid kamid ah wax yaabaha aan la xiriirino xirfadaheenna, sidoo kale waxaan isla garanay in la iska caawiyo kiisaska nuucaas ah wadamada aan ku midownay Urur Gobaleedka IGAD” ayuu yiri Gaashaanle Axmed Jiinow Xasan.

Ugu dambeyn saraakiisha ka socotay dowladda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dalka Ethiopia  joogay muddo sadax cisha ah iyaga oo ugu dambeyn dalka dib ugu soo laabtay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa qaadda kiisaska la xiriiro Arga-gixisada  Al-shabaab iyo dacwadda ku saabsan qaladaadka ka dhex dhaca ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Previous Post

R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

Next Post

Daawo Sawirrada: Jimciyadda SOHEDA oo si kulul u cambaareeysay inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga

Next Post
Daawo Sawirrada: Jimciyadda SOHEDA oo si kulul u cambaareeysay inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga

Daawo Sawirrada: Jimciyadda SOHEDA oo si kulul u cambaareeysay inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In