Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil kala duwan oo ka socotay Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Saraakiil kala duwan oo ka socotay Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda wadanka Turkiga waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Ssareeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin, ayaa kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wafdiga ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

December 4, 2025

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda, Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga.

Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya, ayaa qeyb ka ah dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo Heshiiskii dhawaan ay wada galeen Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ahaa Heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka General Dayax Cabdi Cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.




 

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo soo qaaday Calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika

Next Post

Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka "SAWIRRO"

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

December 4, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa maanta booqasho iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

December 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada

December 4, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In