Munaasabad darajooyin ciidan loogu xirayay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa lagu qabtey dugsiga tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida.
Madaxa Hogaanka ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdullaahi Ahmed Ceynte ayaa goobta ka Akhriyay Digreetadii dhawaan uu ku dalacsiiyay guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo kan darajada koowaad ciidamada.
“Xeer number 34 soo baxay taariikhda 4tii bisha 5aad u jeedadeedu tahay dalacsiin abaal marin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkey qodobka 87 farqadda koowaad, xarafkiisu (A) iyo farqada labaad ee Dastuurka kumeel gaarka ah Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkey qodobka 90 xarafka (B) ee Dastuurka ku meel gaarka ah Jamhuuriyadda federeelka Soomaaliya laga bilaabo markuu Madaxweynaha saxiixo xeerkan waxaa saraakiisha hoos magacooda ku qoran loo dalacsiiyay sida tan Gaashaale sare Liibaan Ali Yarow waxaa loo dalacsiiyay Darajada Sareeyo Guuto, Gaashaale Dhaxe Xasan Cali Nuur Shuute waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Sare’’’ayuu yiri Jeneraal Ceynte.
Sidoo kale waxaa Warbaahinta la hadley markii loo Xirey darajooyinka Ciidanka S/Guuto Libaan Cali Yarrow iyo Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howsha adag ay u hayaan dalka waxa ay na balan qaadeen in dalkooda ay ugu shaqeyn doonaan si daacad nimo ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa ka codsatey Saraakiilsha sare ee Maxakamada ciidamada qalabka sida uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Jamuuriyadda Fadareelka Soomaaliya ee maanta loo xirey darajooyinka ay mutesteen, waxa uuna ka codsadey in dadaalkooda ay halkooda kasii wadaan.
“Waxaa sharaf gaar ah inoo ah anigoo ku hadlaya magaca ciidanka Booliska Soomaaliyeed in aan maanta darajooyinka ciidan aan ugu xirno dugsiga Jeneraal Kaahiye Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka iyo Guddoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ciidamada qalabka sida uu dhawaan Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya uu dalacsiiyay, waxaana ka codsanayaa in ay halkooda ka sii wadaan howsha adag ay u hayaan bulshada iyo Qaranka”
Dhawaan ayay ehayd markii digreeto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagu dalacsiiyay saraakiisha sare ee Maxkamada ciidamada qalabka sida.