Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiisha Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay adkeynta ammaanka-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Saraakiisha Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay adkeynta ammaanka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay taliyaha ciidanka Boliiska ee AMISOM Anaan Pillay, iyadoo kulanka ay kaga wada hadlayeen labada taliye arrimo kale duwan o la xiriira horumarinta iyo xoojinta amniga.

Kulanka ayaa waxa aad iskula soo qaadeen labada Taliye sida looga hortagi karo qataraha Argagaxisada ay u maleegaaan umadda Soomaaliyeed xiliga cibaada ay ku jiraan oo Ramadaanka uu qeyb ka yahay, waxaana taliyeyaasha ay isla garteen in muhiim ay tahay in si wada jir la isaga kaashado Ilaalinta Amniga.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidamada Boliiska iyo kuwa AMISOM ee Boliiska ah in ay diyaariyeen qorshe ay iskula sugayaan xaqiijinta amniga islamarkaana ay rajeynayaan in dadka ay u suura galiyaan in si nabdoon ay gutaan waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhinaca taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kulan qado ah oo lagu dhiira galinayay dhalinyarada kooxda Heegan oo ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo dhawaan key guuleysatay tartanka horyaalka kubadda cagta ah ee dalkeena, waxaana kulanka ku wehilinayay taliyaha saraakiisha ciidamada Boliiska.

Guddoomiyaha Kooxda Kubadda cagta ah ee Heegan oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa ka sheekeeyay marxaladooyinkii ay soo martay Kooxda heegan, waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay la kulmaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana uu u gudbiyay baahiyaha kooxda ay qabaan oo uu sheegay in muhiim ay tahay in wax lagala qabto.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna la hadlay ciyaartodya kooxda Kubadda Cagta ee Heegan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka uu la kulamay waxaana uu balanqaaday in uu wax kala qaban doono baahiyaha ay qabaan mar walbana kulamada noocaan oo kale ah uu la qaadan doono.

DSC03009 DSC03010 DSC03012 DSC03014 DSC03015 DSC03016 DSC03017

Sawir Qaade: Maxamed C/laahi Fereysane

 

 

Previous Post

Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In