Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sarkaal kasoo goostay Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Baardheere “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Sarkaal kasoo goostay Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Baardheere “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

12-kii Bishan November ayay ahayd markii uu isku soo dhiibay Cabdinuur Macalin Xasan oo ka mid ahaa horjoogayaasha Maleeshiyaadka Al-Shabaab Ciidamada Nabad Sugidda Dowlad Gobaleedka Jubaland iyo Saraakiisha Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad sugida Dowlad Gobaleedka Jubaland ee Degmada Baardheere ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay Cabdinuur Macalin Xasan oo dhawaan isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Cabdinuur Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Kooxda Nabadiidka ee u qaabilsanaa Deegaanada Gobalka Gedo balse markii Dambe ka howlgali jiray Deegaanada Koofur galbeed Soomaaliya.

Taliye ku-xigeenka Nabad sugida Jubaland ee Baardheere Axmed Maxamed Cabdulaahi Garab Gooye oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wali furan tahay cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee uu u fidiyay Dhalinyarada laqalday ee wali ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Cabdinuur Macalin Xasan waxaa uu dhankiisa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Gumaadka Umada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab, isla markaana uu ka shaqayn doono hormarka Dalkiisa hooyo sidoo kale waxa uu baaq u diray dhalinyarada la qalday ee Al-Shabaab, isagoo u sheegay inay kasoo laabtaan fikirka ku saleysan  gumaadka Ummadooda Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhibane xaaladiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO: Taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

Next Post
DAAWO: Taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

DAAWO: Taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In