Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawiro: Barakacayaasha Cadaado oo Codsaday in la Caawiyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Sawiro: Barakacayaasha Cadaado oo Codsaday in la Caawiyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
Abaartii sanadkaa halakeysay inta badan Gobolada dalka Soomaaliya waxaa ay reebtay raadad sameyn ku yeeshay qoysas badan oo aan ka wel weli jirin noloshooda una badnaa xoola dhaqato.
Dhaafeen xoolihii ay ku dhaqmi jireen hada waxaa ay fursa waayeen inay soo galaan  magaalooyinka oo aysan fahan badan ka heysan nolosheeda.
Qaar ka mida dadka xoolohoodii abaarta ku waayay ee magaalada Cadaado barakaca ku ah ayaa sheegay inay u baahayihiin gargaar bini’adanimo oo isugu jira hoy caafimaad iyo cunto maadaamada ay sheegeen inay hada quutaan wax yar oo aan ku fileyn 24-kii saacba  hal mar.
  ilaa afar kaam oo ay ku noolyihiin boqolaal  ka mida qoysaska abaarta ku xoola beelay ayaa bilooyin ka hor laga hirgeliyay magaalada Cadaado ee Xarunt KMG Mamulka Galmudug kuwaas oo dadka deegaansada xiligaan  ay daruuf adag ku nool yihiin.
Ku dhawaad 3 kun oo qoys ayaa guryo ka sameysan cooshado iyo cabo leysku geeyay ka degan  kaamamkaan barakac oo ku yaal duleedyada Cadaado dadka kunoolina ma helaan gargaar joogtaa iyo daryeel kale toona.
Caasilo Maxamed Urur waxaa ay ka mid tahay qoysaska hada barakaca ku ah magaalada  Cadaado waxaa ay kunoolaa jirtay miyiga deegaanka gidhays ee Gobolka Galgaduud  qoyskeedu waxaa uu abaarta ka hor heystay  250 oo neef oo ariya hada waxaa u jooga 20 neef oo aan laheyn cad iyo caano taasi ayaa ku sababtay inay kaamkaan imadaan iyada iyo caruurteeda oo ay sheegtay inay hada ku sugayihiin xaalad aan wagansaneyn.
Duruufaha barakac waxaa u dheer dadka abaarta ku xoola beelay inay ku  adag nolosha magaalada maadaama ay kusoo barbaareen tan   miyiga iyo dhaqashada xoolaha waxana ay ku jaha wareersayihiin maareynta noloshooda iyo joojitaanka ama kunoolaashaga magaalada.
Gudoomiyaha degmada Cadaado oo ay barakacayashani ku suganyihiin  C/llahi c/raxmaan Xuseen (Too toole) ayaa  sheegay inay ka warqbaan barakacayaasha ku dhibateysan kaamamka Cadaado isagoo Hey’adaha samafalka Gudigan Qaran ee Gurmadka abaaraha iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ka Codsaday in la caawiyo dadka ay dhaafeen xoolihii ay ku dhaqmi jireen
isagoo sidoo kale tilmaamay in barakacayaasha Cadaado hada ku sugan ay gaarayaan  ilaa 6Kun oo qoys isla markaana aan helin  caawinaad iyo ka warqab joogtaa.
Tirada guud ee ee qoysaska abaartu sanadkaan  xoola tiray deegaanada galmuudg waxaa lagu qiyaasan ku dhawaan boqol iyo konton ku oo qoys kuwaas oo hada barakac ku ah inta badan deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud sida uu sheegay  Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen oo ka tirsan barlamanka Galmudug xogyena u gudiga  Galmuudg u  qaabilsan  gurmadka abaaraha.
Waxaa jira deegaano iyo degmooyin dhowra oo ka tirsan Gobolda Mudug iyo Galgaduud kuwaas oo aan helin roobabkii guga dadka xoolaleyda ah ee kunoolina ay u baahayihiin in  la caawiyo.
Previous Post

Soomaalida gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo Xusay 1-da Luulyo “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Afrika “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Afrika "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In