Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Sawiro: Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shir laba maalmood ah Minnesota ku qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Sawiro: Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shir laba maalmood ah Minnesota ku qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa shir laba maalmood socday ku qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Shirkan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa diirada lagu saaray is bedelka siyaasadeed ee dowladda cusub ee Mareykanka iyo saameynta uu ku leeyahay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Haddaba shirkan oo aad iyo aad uga duwanaa shirarkii iyo kulamadii horay looga bartay in qabtaan Soomalida Mareykanka degan, ayaa waxaa goobtii uu shirku ka dhacay lagu soo bandhigay dood wadaag iyo aqoon is-weydaarsiga ku saleysan waayo aragnimadda, Islaam naceybka kusii kordhaya dalka Mareykanka iyo waliba sharicyadda cusub iyo siyaasada Madaxweynaha dalka Mareykanka D. Trump ee sida gaarka ah u saameeynaya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Hamse Warfa oo isagu ah hogaamiyaha Kooxda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shirka furay ayaa marka koobaad u mahadceliyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka. Hasme ayaa sidoo kale dadweynihii tirada badnaa ee iyagu ka soo qaybgalay shirka uga waramay ahmiyada shirka loo qabtay.

Madaxdii iyo Aqoon-yahaniintii shirkan lagu martiqaaday waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka mudane Ahmed Awad, Duqii hore ee Magaalada Minneapolis R.T., iyo Aqoonyahan Faisal Roble oo isagu ah maamulaha xafiiska Qorsheeynta ee Magaalada Los Angeles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qaybqaatay qudbado iyo hadalo qaali ahna ku soo bandhigay dhallinyaro aqoonyahaniin Soomaaliyeed ah oo iyagu ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka. Hogaamiyeyaashan da’da yar ayaa waxaa kamid ahaa Ramla Saahid, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda PANA, Horseed Nuux, Agaasimaha Masaajidka Abubakar Assiddiq ee magaalada Ohio, Ismahan Warfaa, Agaasimaha Iskaashiga iyo Iskuxirka Bulshada ee Hay’adda PANA, iyo Abdiraxman Mukhtar oo isagu ah maamulaha barnaamijka Dhalinyarada iyo Qoyska ee xarunta Brian Coyle ee magaalada Minneapolis.

Shirkan oo mowduucyo muhiim ah looga hadlay diiradana lagu saaray ayaa waxaa kale oo lagu soo bandhigay filim kooban oo ka hadlaya waxqabadka wanaagsan ee ay qabtaan qaar kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee iyagu ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo laga soo sheegayo in ay ka jirto xaalad …….

Next Post
Wafdi ka socda Dowladda federaalka ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Dhuusa mareeb{SAWIRRO}

Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo laga soo sheegayo in ay ka jirto xaalad .......

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In