Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada ee Islii Wood ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi iyo marti sharaf kale.

Goobta munaasabadda ay ka dhacaysay oo lagu xardhay qaar kamid ah agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso dhaqameedka ay caanka ku yihiin umadda Soomaaliyeed sida Dhaantooyin aad u soo jiitay masโ€™uuliyiintii xafladda ku sugneyd.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay ururka Islii Wood ee soo qabaqaabiyay xafladda, isagoo sidoo kale bogaadiyay dowladaha Holland iyo Mareykanka oo gacan ka geystay qabsoomidda munaasabadda.

โ€œWaxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa ururka dhalinyarada Islii Wood ee soo qabanqaabiyay munaasabadan Hidaha iyo dhaqanka lagu weyneynayo, sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa dowladaha Mareykanka iyo Holland oo iyana gacan ka geystay barnaamijkan, waxaan intaas kaddib umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nabad ku wada noolashiyaha ka shaqeeyaanโ€ย ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, Amb Jamaaal Maxamed Xasan oo isna madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay ururka Dhalinyarada Islii Wood, wuxuuna dhinaca kale ka sheekeeyay ahmiyadda ay leedahay in la kala saaro arrimaha Xagjirnimada, Diinta iyo dhaqanka.

โ€œ Runtii sharaf weyn ayay inoo tahay in ka safaarad ahaan aan ka soo qeybgalno xafladdan, waan u mahadcelineynaa dhammaan dadkii soo qabanqaabiyay, waxaan rabaa inย  la kala saaro arrimaha xagjirnimada, dhaqanka, iyo diinta oo inta badan dadka Soomaaliyeed ay isku dhax qaldaan, dhaqanka Soomaalida in la weyneeyo farxad aad u weyn ayay inoo tahay, waana ka soo qeybgali doonnaa xafladaha noocaan oo kale ahโ€ย ayuu yiri Danjire Jamaal.

Sidoo kale Bandhigga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Casho ka tarjumaysay Raashiinka Dhaqanka Soomaalida oo ay ka soo qeybgaleen Dhalinyarro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

1 3 4 5 22

Previous Post

Madaxweynaha โ€œWaxbarashadu waa maalgashiga ugu muhiimsan ee shacabka iyo Aasaaska mustaqbalka.โ€

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In