Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada ee Islii Wood ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi iyo marti sharaf kale.

Goobta munaasabadda ay ka dhacaysay oo lagu xardhay qaar kamid ah agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso dhaqameedka ay caanka ku yihiin umadda Soomaaliyeed sida Dhaantooyin aad u soo jiitay mas’uuliyiintii xafladda ku sugneyd.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay ururka Islii Wood ee soo qabaqaabiyay xafladda, isagoo sidoo kale bogaadiyay dowladaha Holland iyo Mareykanka oo gacan ka geystay qabsoomidda munaasabadda.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa ururka dhalinyarada Islii Wood ee soo qabanqaabiyay munaasabadan Hidaha iyo dhaqanka lagu weyneynayo, sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa dowladaha Mareykanka iyo Holland oo iyana gacan ka geystay barnaamijkan, waxaan intaas kaddib umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nabad ku wada noolashiyaha ka shaqeeyaan” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, Amb Jamaaal Maxamed Xasan oo isna madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay ururka Dhalinyarada Islii Wood, wuxuuna dhinaca kale ka sheekeeyay ahmiyadda ay leedahay in la kala saaro arrimaha Xagjirnimada, Diinta iyo dhaqanka.

“ Runtii sharaf weyn ayay inoo tahay in ka safaarad ahaan aan ka soo qeybgalno xafladdan, waan u mahadcelineynaa dhammaan dadkii soo qabanqaabiyay, waxaan rabaa in  la kala saaro arrimaha xagjirnimada, dhaqanka, iyo diinta oo inta badan dadka Soomaaliyeed ay isku dhax qaldaan, dhaqanka Soomaalida in la weyneeyo farxad aad u weyn ayay inoo tahay, waana ka soo qeybgali doonnaa xafladaha noocaan oo kale ah” ayuu yiri Danjire Jamaal.

Sidoo kale Bandhigga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Casho ka tarjumaysay Raashiinka Dhaqanka Soomaalida oo ay ka soo qeybgaleen Dhalinyarro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

1 3 4 5 22

Previous Post

Madaxweynaha “Waxbarashadu waa maalgashiga ugu muhiimsan ee shacabka iyo Aasaaska mustaqbalka.”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In