Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirrada dhisme ku dumay dalka India

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Sawirrada dhisme ku dumay dalka India
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu  yeraan  10 qof ayaa ku geeriyootay  halka dhowr kale ay soo gaareen dhaawacyo kaidb markii uu soo dumay dhisme howl laga hayay magaalada bariga dalka India ku taala ee  Kolkata (Calcutta), sida ay sheegeen saraakiil.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 150 ruux ay ku xaniban yihiin buundo dhismo adaga ka sameysan oo ku dhacday waddo mashquul badan.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Muqaalo la  baahiyay ayaa muujinayay iyadoo  dadka deegaanka oo gacamahooda oo maran adeegsanaya ay ka qeyb qaadanayeen gurmadka loo sameynayo dadka dhibaatada ku haubsatay.

Sida ay soo warisay wakaalada AFP, 60 ruux ayaa ka geeyay goobaha caafimaadka kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa goobta gaaray ayagoo wata eyaha wax uriya, biraha adaga ee wax lagu jabiyo, qalabka dhulka lagu qodo iyo  aqabyo kale si ay u soo saaraan dadka ku go’doonsan gudaha burburka dhismaha.

Ramesh Kejriwal, waa goobjooge, waxaana uu sheegay in uu maqlay dhawaq aad u weyn oo argagax geliyay.

Goobta mashaqadan ay ka dhacday ayaa ah deegaan ku dhow, Girish Park oo ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Kolkata waxaa ka ak dhow dukaamo, guriyo la degan yahay iyo goobo kale isla markaana leh wadooyin aad u ciriiri badan.

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka India Rajnath Singh, ayaa barta Twitter ku sheegay in xaaladda ay si dhow ula socdo isla markaana uu si aad ah ugu naxay markii uu soo gaaray dhacdada magaalada Kolkata.

Dhismaha dumay ayaa ku dul dhacay gawaari, dhismiyaal kale iyo dad kale oo waddada marayay, iyadoo sidoo kale uu ku dul dumay dad deganaa guriyo ku meel gaar ah oo ka ak dhowaa dhismaha.

Waxaana dhismahan dumay la sheegay in dhismihiisu socoday ilaa 2009 kii sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Dalka India ayaa waxaa caanka ah dhismiyaasha duma isla markaana sababa khasaare kala duwan, iyadoo  loo aanaynayo ka baaraan degin la’aan iyo dhismiyaasha oo aan xirfadeysan loo dhiseynin.

_89014726_kolkata _89015175_kolkata1 _89015179_kolkata2 _89015513_kolkata3 _89015517_f5dca35f-79b4-4117-b13a-90006298d23f

Xiggasho: BBC

Previous Post

Turkiga oo xaqiijiyay in gabadh Azerbaijan ah ay kamid aheyd dadkii shalay lagu diley Muqdisho

Next Post

Dowladda oo $1 milyan oo dheeraad ah u balan qaatay dadka ay abaaraha saameeyeen

Next Post

Dowladda oo $1 milyan oo dheeraad ah u balan qaatay dadka ay abaaraha saameeyeen

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In