Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay ka socoto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada maamulkaas iyo maamulka magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
“Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynahu wuxuu goobjoog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay degmada Ceelwaaq, isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”