Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro:-Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Sawirro:-Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan dadweyne oo ku saabsan sida maamulka iyo shacabku isaga kaashalahaa ka hortagga falalka argagixisada Al-shabaab oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada, Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir iyo Xubno matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Kulanka oo qeyb ka ah Barnaamijyo Wacyigalinta Bulshada ee ka hortagga fikirka Xagjirnimada looguna talagalay in lagu baahiyo 17 degmo ee gobalka Banaadir ayaa hal ku dhiggiisu yahay “Ha qarsan dhagarqabayaasha Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada Amniga Qof kasta oo aad uga shakiso in uu yahay Al-shabaab”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Wadajir Aamina Cabdulle Maxamed Oo kamid aheyd dadkii ka badbaaday qaraxii Argagixisada Alshabaab ay ka geysteen Xarunta dagmadaasi ayaa la ilmeysay sida xaqdarrada ah ee lagu xasuuqay dadweyne aan waxba galabsan oo u soo shaqo tagay dagmada, kuwaas oo iyagoo Sooman qaarkoodna ay saf ugu jireen Wasoqaadashada Salaadda Duhur la xasuuqay.

“Qaraxa 20 Jun ka dhacay xarunta Degmada wuxuu igu reebay tiiraanyo ii gaar ah, waan weyseesanayay, wiil kamid ahaa dhallinyaradii shihiiday ayaa markaas i dhahay hooyo caaga markaa weysada dhameysato isii waan ku weysaqaadaneynaa, Allaha u naxariisto dhammaantood, fikir xagjirnimo ah ayaa dadkaas oo dhan lagu laayay” ayay tiri hooyo Aamina.

Sh Cabdullaahi Axmed Garruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay in bulshadu uu waajir diini ah ka saaranyahay in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaaan sudiida Amniga, isagoo bulshada goobta joogtay Xasuusiyay sida uu Alle wax walba uga fadilay dhiigga qofka Muslimka ah oo xaqdarro loo daadiyo.

”Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (RC) Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:-Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta, Kii qof muslim ah dila, Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sheekh Garruun oo sharaxista Xadiiska siiwata ayaa yiri ”Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga gof ka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maalintii ay dalka ku soo laabatay degmada Wadajir ay aheyd degmada ugu nabadgalyada badan magaalada Muqdisho, balse maanta ay dagmada ka jirto amni xumi taasina looga bixi karo marka bulshadu ka xuroobaan cabsida kooxaha xagjirka ah ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

“Reer Wadajir waxaa la idinka rabaa in aad la timaadaan isbadal muuqda oo aad soo gudbisaan kuwa idinku dhex dhuumanaya ee maalin kasta usoo tagan in ay mid mid idiin beegsadaan, laamaha ammaankana waxaa laga rabaa in ay damaanadqaadaan amniga dadka ku dhiirada in ay soo sheegaan goobaha ay cadawgu ku dhuumaaleysanayaan” ayay tiri Jawaahir

Qaar kamid ah Bilshada ka qeybgalay Kulanka Dadweyne ayaa Ballanqaaday in ay la shaqeynayaa laamanaha Ammaanka, iyagoo bogaadiyay barnaamijka wacyigalinta Bulshada ee maanta lagu qabtay degmada Wadajir.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo kulanka Soo Gunaanaday ayaa xusay in kulankaan wacyigalinta bulshada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay hormarinta Amniga degmada Wadjir, Wuxuuna xusay loo baahanyahay in si wadajir ah ay gacmaha isku qabsadaan bulshada deegaanka iyo laamaha amniga si meesha looga saaro kooxaha xambaarsan fikirka qatarta ah ee Xagjirnimo.

“Hadda wey fiicantahay isku xirnaanta bulshada, maamulka degmada iyo laamaha ammaanka, dadku wey baqayeen markii hore laakiin hadda markii ay ogaadeen in kooxaha argagixisada alshabaab in aysan cidna u aabayeeleynin wuu isbadalay dareenka iyo fahamka bulshada ee arrintaas ku saabsan, anagana waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan habeen iyo maalin idin garab taaganaano” ayuu yiri Guddoomiye Cumar.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xaruntii dagmada ay burburiyeen kooxaha argagixisada ayna ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxbagalabsan, haddii aan loo midoobin oo aan lasoo gudbin kuwa xagjirka ah waxaa dhaceysa in maalin walba nala dilo ama nala qarxiyo.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi+Sawirro

Next Post

R/wasaare Khayrre “Haddii aan rabno in aan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda”+Sawirro

Next Post
R/wasaare Khayrre “Haddii aan rabno in aan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda”+Sawirro

R/wasaare Khayrre “Haddii aan rabno in aan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda”+Sawirro

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In