Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Xulashada

Sawirro:-Machadka Tababarka Xujeyda Ee SAFA Oo Bilaabay Duruus Ay Siinayaan Xujeyda Soomaalyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Xulashada
0
Sawirro:-Machadka Tababarka Xujeyda Ee SAFA Oo Bilaabay Duruus Ay Siinayaan Xujeyda Soomaalyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabdan lagu daah-furayay tababar  ku saabsan sida xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudanaya Muusimka Xajka loo bari lahaa Gudashada Waajimaadka iyo Acmaasha Xajka, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka tababarka Xujeyda ee SAFA, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo socondoono muddo labo todobaad ayaa Xujeyda lagu bari doonaa Shuruudaha iyo waddooyinka u sahlaya gudashada Waajibaadka Xajka ee looga baahanyahay Xaajiga, iyadoo munaasibaddana ay ka qeybgaleen Culimaa’udiin iyo qaar kamid ah Xujeyda Sanadkaan Gudaneysa Waajibaadka Xajka.

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Sh Cabdulxayir  Aadan, oo kamid ah Culimada ka hadashay Munaasibadda ayaa ku boorriyay Xujeyda in ay bartaan Arkaanta Xajka.

” Xujeyda wax la barayo waa Acmaasha ugu waa wayn ee laga rabo Xaajiga, marka waxa la barayo waa tusaale “Mithaal”, waana fursad qaali ah  marka dadka xujeyda ah ama sii xajiyna waa inaa ay xoogga saaran barashada Shuruudaha xajka” ayuu Yiri Sh Cabdulxayir.

Sh Shariir Cabdulraxmaan culusoow, oo ayaa mahadceliyay Culimada ka shaqeysan fursadda wanaagsan ee la siiyay Xujeyda Soomaaliyeed, wuxuuna Xusay in culimada Waqti badan ay soo baranayeen Waajibaadka Xajka, balse hadda maanta Xujeyda ay heleen muddo gaaban oo si ficil ah Culimadu ugu barayaan Waajibaadka Xajka.

“Culmada marka ay soo barayeen Cilmigaan mudo dheer, marka culamada soo qaban qabanqaabisay dowradan wax ay doonaya waa in ay muddo gaaban si camali ah ay ku baraan Xujeyda, waana fursad lagu barayo wixii arkaam ah ee looga baahanyahay Xaajiga, marka waa in aad xoogga saartaan” Ayuu yiri Sh Culusoow.

Guddoomiyha Machadka Tababarka xujeyda ee SAFA, Sh Maxamuud Sh Ibraahiim Suuley, ayaa Xujeyd Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay xoogga saaran barashada diinta islaamka, isla markaana u duceeyay dadka uu alle u fududeeyay in sanadkaan ay soo gutaan Waajibaadka Xajka.

“dadka sanadka aadaya xajka waxaan leenahay Alle ha idinka Aqbalo Xajka aad soo gudaneysaan hana idiin fudeeyo, kuwa niyaddooda ay ku jirto in Xajiyaana alle ha u aqbalo, dar daaranka waxaan adkaynayaa wax walbo waxay u baahan yahiin barasho, sidaas ayaa nagu kaliftay in aan xujeyda ka caawino tuusaalooyinka u sahlayo in ay si sax ah u gutaan Acmaasha Xajka, si ay uga fogaadaan wax kasta oo qalad u keeni kara gudasha waajibaadka Xakja” ayuu yiri Sh Suuleey.

Macadka Tabarka Xujeyda Ee SAFA, ayaa Sanadkii labaad si lacag la’aan wax loogu barayaa Xujeyda Soomaaliyeed ee dooneysa in ay gutaan Waajibaadka Xajka, iyadoo duruusta lagu bixinayana ay ka faa’ideysanayaa boqolaal Xujey ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo goballada dalka Soomaaliya.

IMG_4812IMG_4813IMG_4815IMG_4818IMG_4821IMG_4824IMG_4828IMG_4829IMG_4831IMG_4832IMG_4836IMG_4840IMG_4844IMG_4845IMG_4861IMG_4864IMG_4867IMG_4874IMG_4889IMG_4891IMG_4893IMG_4899IMG_4903IMG_4916IMG_4921IMG_4922IMG_4923IMG_4924IMG_4927IMG_4941IMG_4954IMG_4956IMG_4966

Sawir Qaade: Farxaan Suleyman Daahir.

Previous Post

Gudoomiye Guudlaawe oo  sheegay in amniga Jowhar la adkeeyay, madaama lagu qaban doono shirka  maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Next Post

Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay Jadwalka Doorashada Soomaaliya

Next Post
Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay Jadwalka Doorashada Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay Jadwalka Doorashada Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In