Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Madaxtooyada oo war ka soo saartay kulamada Madaxweynaha ee Baydhaba

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
May 31, 2022
in Wararka
0
Sawirro: Madaxtooyada oo war ka soo saartay kulamada Madaxweynaha ee Baydhaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in duubabka dhaqanku ay udub-dhexaad u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.
“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay qiraysaa doorka wanaagsan ee aad ku leedihiin dowlad-dhiska dalkeenna, nabadaynta iyo hoggaaminta bulshada. Waxaan mar walba soo dhoweynanaa talooyinkiinna wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka. Waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu garabsiisaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah dal nabad ah, xasilloon oo horumarsan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda ee ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-heshiisiinta, la dagaallanka argagixisada iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha saameeyey guud ahaan dalka.
Dhankooda, odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Koonfur Galbeed oo Madaxweynaha ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, ayaa hoosta ka xarriiqay la shaqaynta dowladda iyo garab istaagga dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dalka, iyaga oo tilmaamay in ay ku kalsoon yihiin odaynimada Madaxweynaha, waayo aragnimada iyo fulinta ballanqaadyadiisa hortebinta u leh horumarinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Sheekh Cali Warsame

Next Post

Nin ka soo goostay Nabadiidka Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Janaale

Next Post
Nin ka soo goostay Nabadiidka Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Janaale

Nin ka soo goostay Nabadiidka Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Janaale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In