Qaraxyadii todobaadkii hore lagu qabtay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qarxiyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Ciidamada qeybta 21-aad oo todobaadkii hore duleedka Guriceel ku qabtay gaari siday qaraxyadaan iyo ragii waday ayaa maanta goob fagaare ah ku qarxiyey, si dhibkooda looga badbaadiyo bulshada.
Ciidanka xoogga dalka ayaa 5-tii bishaan gacanta ku dhigay gaari Probox ah oo lagu soo raray miinooyinka maanta la qarxiyey iyo laba nin oo dooneysay inay gudaha u geliyaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Howlgal uu hoggaaminayey Taliyaha ururka 72-aad, guutada 15-aad ee qeybta 21-aad, Gashaanle Axmad Daahir Cabdulle ayaa lagu fashiliyey dhagartaas ay cadowgu la maaganaayeen bulshada reer Guriceel.
Labadii nin ee argagixisadu ay u soo dhiibtay qaraxyadaas ayaa ku xiran xabsi dhexe ee degmada Guriceel, waxaana lagu wadaa in maxkamad lasoo taago, markii lasoo gabagabeeyo baaritaanada iyo dabagalka ku socda cidii la waday dhagartaan iyo halka uu bartilmaameedkoodu ahaa.