Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Taliska Ciidanka Asluubta oo u guuray Xaruuntooda Ex Kontrol Afgooye “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
January 17, 2018
in Keydka Sawirrada, Maqaallo, Wararka
0
Taliska Ciidanka Asluubta oo u guuray Xaruuntooda Ex Kontrol Afgooye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dal kasta oo ku yaala Qaaradaha Aduunka waxaa uu leeyahay aqoonsi, iyo astaamo u gaar ah oo lagu yaqaano shaqsiyad daleed, taasi oo uu kula tacaamuli karo dunida inteedi kale,Ciidamaduna waa astaamaha mudnaanta koowaad u leh difaaca Wadankasi.

Soomaaliya oo ah wadan kuyaal Geeska Africa,ayaa waxay lahayd ciidamada ugu Awooda badan Qaaradda,balsé waxaa saameyeey burburkii dalka soo maray in ka badan 20 sano,hase ahaatee Dowladda Soomaaliya oo u istaagtay dib u soo celinta sharaftii iyo Karaamadii uu dalka lahaa ayaa dadaal ugu jirta dhismaha Ciidamo qaran,si dalka uu cagihiisa isugu taago.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka mid ah Ciidamada Qaranka uu leeyahay ayaa sanadihii ugu dambeeyey laga dareemay horumaro ay ka sameeyeen adeegyada ay u hayaan bulshada oo ah kuwo laga maar maan u ah Dalka,waxaa la aas aasey 22-kii Fabraayo,1970-kii, isagoo marxalado kala duwan soo maray Ciidanka Astuubla Soomaaliyeed, howlaha ugu muhiimsan oo uu qabto Ciidanka Asluubta waxa ka mid ah dhaqancelinta maxaabiista,waxay la shaqeeyaan hey’adaha Garsoorka Dalka,taasi oo ah howl aan ka maarmin bulshada Soomaaliyeed, Xarumihii Ciidankaasi oo ku lahaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ayaa waxaa ka soconaya howlo isugu jira,dib u dhis iyo dayactir,taasi oo ku timid markii Hoggaanka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu u xusul duubtay ka miro dhalinta gudashada waajibaadka horyaal taliskaasi.

Xarunta ugu weyn ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaliyeed oo ku taala EX-Cantrool Afgooye ayaa waxaa dhisay Dawladdii maltarig eheed oo uu hogaminayay AUN Maxamed Siyaad Barre 1974-kii, muddo ka badan 20 sano ay burbursanayd ayaa lagu guuleystay in dib u habeen lagu sameeyo, inkastoo aan qoraal iyo hadal lagu soo koobi Karin ahmiyadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo doorka ay ku leeyihiin u adeegista Bulshada,ayaa hadana waxaan si kooban idin kugu soo gudbinaynaa waxqabadka Taliska Ciidanka Asluuubta.

8 bishii May sanadkii 2017- ki ayaa Taliyah Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sarey gaas xuseen xasan cusman waxaa uu booqday taliskii ugu weynaa ee Ciidamada Asluubta Somaaliyeed ee ex kontorool Afgooye, isgao kormeeray xafiisyadii iyo Warshadda bulkeytiyada oo bur bur xoogan uu ka muuqday mudo ka dib bur burkii dalka aan dib u dayactir lagu sameyn ,Taliyah Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye gaas Xuseen Xasan Cusman oo kormeerka markii uu soo gabgabeyayay waxuu dhagax dhigay taliska isago sheegay in dib u dayactirka iyo dhismo lagu sameyanayo islmarkan ay iska kaashadeen dhisida taliska ganacsato iyo taliska Ciidanka Asluubta.

Taliska ayaa waxaa ku biloowday dhismo balaran oo dib logu soo celinaayo bilicdii uu lahaa inta uu socday dhismaha ayaa waxaa b ooqanayay hogganadda Ciidamada Asluubta oo kormeer indha indheen ah ku sameynayay hananka uu u soocdo dhismah xaruunta taliska, iyadoo 8-dii Aug, 2017-kii Taliyah Ciidanak Asluubta Soomaaliyeed iyo Wasiirka Cadaalada Xukumada Soomaaliya ay kormeereen Xarunta taliska ciidanka Asluubta EXKONTOROOL Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta , Wasiirka Cadaalada iyo Taliyah Ciidanka Asluubta ayaa halkaasi waxay ka dhagax dhigeen masjid ay yeelanayaan Ciidanka Asluubta Wasiirka wasaarada Cadaalada Xukumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay dib u daycatirada ka socda xarumaha taliska Ciidanka Asluubta, taasna ay tahay ifafaalo muujineysa hormarka dalka ka soocda ,kormeerka iyo dar dargalinta howsha shaqo intaa kuma sii ekaanin 23-kii, Apr 2017-kii taliyaha Ciidanka Asluubta iyo saraakiil ciidan ayaa booqday dhul ku yaala Dagmada karaan ,dhulkaas oo kaabiga ku haya ispitlka keydsaney Xiliga uu Taliyah uu booqday waxaa ka soocday howlo dhismo oo sharci daroa ah, wuxuuna u jeediyay degniin dadka ku howlan dhisada dhulka uu leeyahay Ciidanka Asluubta.

6 , Julay 2017-kii Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay kulan qamiisla ah oo ay yeeshan sarakiish ciidanka Asluubta oo Aalaaba looga hadlo waxai u qabsoomay todobaadkaas Taliyaha Ciidamada Asluubta soomaaliyeed ayaa mid mid warbixin kaga dhageestay sarkiisha isagoona kula dar daarmay in ay laba jibaraan shaqaada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed .

Taliyah Ciidanka Asluubta soomaaliya ayaa boqday 26 Apr , 2017-kii Xaruunta Agoonta gabdhaha EKES kacaan ee degmadad Afgooye halkaas oo ay ku nool yihiin gabdho iyo wiilal Agoomo ah waxaan mudo farbadan gacanta ku hayayay noloshood iyo daryeelkooda Caruurtaasi taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya, iyadoo 19=-kii juun ee sanadkii hore booqasho markale uu ku tagay Taliyah Ciidamada Aluubta oo ku wehliyo Agaasimaha Warfaafiinta madaxtooyadda oo soo garsiyay deeq lacgeed oo ka timid Madxaweynaha .J.F.S, taasoo loogu talgalay in lagu daryeelo caruurtan iyado uu halkaasi uu ka sheegay Agaasimah Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed in uu madaxweynaha uu ka faalo qaaday daryeelka iyo nolosha Caruurta.

28-kii May, sanadkii hore Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xukumada soomaaliya xasan Xuseen xaaji ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku soo dhaweyay Taliyah Ciidanak Asluubta soomaaliyeed sarreya gaas Xuseen Xasaan Cusmaan,Wasiirka Cadaalad ayaa kormeeray qolalka ay ku xiran yihiin maxabiista rashiinka ay cunaan goobo caafimaad oo lagu daryeelo, Wasiirka Cadaalada Xasaan xuseen Xaaji oo halkaasi ka hadlay sheegay in nolosha maxbiista iyo daryeelkoodab uu taliska uu ku dadaalay ayna wanagsanan yihiin xaaladooda.
Haddaba Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa xariga ka jaray Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta ee Ex Control Afgooye oo dayactir lagu sameeyay.

Munaasabadda Xarig jaridda oo ay goob joog ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Saraakiil ka socda Ciidanka Asluubta iyo kuwa Xoogga ayaa ka hadlay Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, isagoo sheegay in guul ay tahay dib u howgalinta xaruntan, isagoona amaanay Taliska Ciidanka Asluubta oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii loo dayactiri lahaa xaruntan oo burbursaneyd tan iyo markii dagaalka sokeeya uu dalka ka dhacay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa munaasabada ka sheegay in dhamaan hoggaanada ciidanka Asluubta ay ku shaqeyn doonaan xaruntan oo noqon doonta mida ugu weyn ee ka jirta Dalka.

 

W.Q.Axmed Cumar Axmed

Previous Post

Mareykanka iyo Canada oo ku baaqay in la dhaqangaliyo cunaqabataynta k/Wuqooyi

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In