Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Abuukar Dubbe, wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud Gen. Bashiir Gooble iyo masuuliyiin kale ayaa isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku booqday Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo ka soo bogsanaya dhaawac ka soo gaaray qarax uu ku weeraray qof naftiisa haligay, 16-kii Janaayo.
Wasiir Cusmaan Dubbe iyo Wasiir Bashiir Goobe oo warbaahinta Qaranka kula isbitaalka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Macalimuu ay soo hagaageyso, iyagoo u mahad celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo dadaal badan ku bixiyey in Afhayeenaka Xukuumadda uu daryeel caafimaad helo.