Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro”Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
“Sawirro”Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Garoowe ku daah furay wajiga labaad ee shirka wada tashiga Dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah, waxaana kasoo qeybgalay madaxweynayaasha Puntland,jubbaland, iyo koonfur galbeed. waxaa kaloo shirka goob joog ka ahaa  wafuud ay kala hogaaminayeen madaxweynayaasha madasha ku sugan,

Shariif Xassan Sheekh Aadan madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo shirkaas ka hadlay ayaa yiri.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Al_ Shabaab ayaa dhibaato ku haya, waxaan rajaynayaa sidii Shabaab lagu cirib tiri lahaa oo ay bulshada Soomaaliyeed uga wada qeyb qaadan lahaayeen inay madashaan kasoo baxdo, haddii taas la gaari waayo waxaa imaanaysa in dhibaatada shabaab ay sii xoogeysato, dhibaatadaasna ay noqoto mid aan laga soo kaban doonin.

Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubba ayaa yiri”

Aad baan ugu faraxsanahay inaan isku imaano oo aan ka wada tashanayno arrimaheena, inagoo ka madax bannaan dawlado kale, waxaan rajaynayaa in shirkaan uu noqdo mid taariikhi  ah oo natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo.

Madaxweynaha Puntland C/ wali Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa yiri.

Inaga halku dhiggeena ayaa ahaa Puntland ha isku tashato haddana waxaan leenahay Soomaaliya ha isku tashato, cid Soomaali wax ka dhigaysa iyo cid dawladnimo ugu maqan ma jirto, wax aynaan inagu sameysan wax aynaan inagu isugu imaan wax aynaan inagu ka tashan wax aynaan waqti badan iyo juhdi ku bixin oo noo soo baxaa ma jiraan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer uu shirka ka jeediyey waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya .

Madashaan waxaa loogu talo galay in soomaalidu ay arrimohooda uga wada hadlaan oo ay wax isku weydiiyaan, laakiin maahan shir dano gaar ah laga leeyahay ama ay cid gaar ah wadato. waxyaabaha Soomaalida oo dhan quseeya in looga wada hadlo ayaa loogu talo galay.

Madashaan waxay kaabaysaa in la helo dawlad dhexe ee Soomaalidu ay wada ogtahay waxa ay qabanayso, dalkaan koox kaliya kama taliso

New Deal-ka qaabka uu hadda u socdo maahan mid ay danta Soomaaliyeed ku jirto, beesha caalamku wax ku mahadsanyihiin ballan qaadyada ay bulshada  Soomaaliyeed u fidiyeen, balse  waa inaan helnaa wixii naloo ballan qaaday,  baahida Soomaaliya ka jirta weyntahay iskuul ladhiso, waxaan u baahanahay dib u dhis baaxad leh, waxaan u baahannay Maalgelin dhaqaale waxaan u baahannay shaqo abuur iyo xirfado kala duwan oo dadka la baro.

Caqabadda koowaad ee dalka ka jirta maantay waa Amniga oo nooga baahan inaan tallaabo ka qaadno. Amniga meel fiican ayaa lasoo gaarsiiyey maanta shabaab hadday shalay meelo badan xukumi jireen maanta dhuumaaleysi bay ku jiraan,inay hoteelada qarxiyaan iyo baabuurta halkaas ayey marayaan waana lasii wadi doonaa.

Ciidamada qalabka sida inaan sii hormarinno ayaa nalaka rabaa, ciidamada qalabka sida oo ah astaan Qaran oo Soomaaliya oo dhan ay wada leedahay.

IB0A9320 IB0A8716 IB0A8792 IB0A8795 IB0A8903 IB0A9042 IB0A9055 IB0A9162 IB0A9308

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Shir-Cilmiyeed ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga oo Muqdisho lagu qabtay – SAWIRRO

Next Post

Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta ‘Sawirro”

Next Post
Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta ‘Sawirro”

Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta 'Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In