Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro”Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
“Sawirro”Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Garoowe ku daah furay wajiga labaad ee shirka wada tashiga Dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah, waxaana kasoo qeybgalay madaxweynayaasha Puntland,jubbaland, iyo koonfur galbeed. waxaa kaloo shirka goob joog ka ahaa  wafuud ay kala hogaaminayeen madaxweynayaasha madasha ku sugan,

Shariif Xassan Sheekh Aadan madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo shirkaas ka hadlay ayaa yiri.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Al_ Shabaab ayaa dhibaato ku haya, waxaan rajaynayaa sidii Shabaab lagu cirib tiri lahaa oo ay bulshada Soomaaliyeed uga wada qeyb qaadan lahaayeen inay madashaan kasoo baxdo, haddii taas la gaari waayo waxaa imaanaysa in dhibaatada shabaab ay sii xoogeysato, dhibaatadaasna ay noqoto mid aan laga soo kaban doonin.

Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubba ayaa yiri”

Aad baan ugu faraxsanahay inaan isku imaano oo aan ka wada tashanayno arrimaheena, inagoo ka madax bannaan dawlado kale, waxaan rajaynayaa in shirkaan uu noqdo mid taariikhi  ah oo natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo.

Madaxweynaha Puntland C/ wali Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa yiri.

Inaga halku dhiggeena ayaa ahaa Puntland ha isku tashato haddana waxaan leenahay Soomaaliya ha isku tashato, cid Soomaali wax ka dhigaysa iyo cid dawladnimo ugu maqan ma jirto, wax aynaan inagu sameysan wax aynaan inagu isugu imaan wax aynaan inagu ka tashan wax aynaan waqti badan iyo juhdi ku bixin oo noo soo baxaa ma jiraan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer uu shirka ka jeediyey waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya .

Madashaan waxaa loogu talo galay in soomaalidu ay arrimohooda uga wada hadlaan oo ay wax isku weydiiyaan, laakiin maahan shir dano gaar ah laga leeyahay ama ay cid gaar ah wadato. waxyaabaha Soomaalida oo dhan quseeya in looga wada hadlo ayaa loogu talo galay.

Madashaan waxay kaabaysaa in la helo dawlad dhexe ee Soomaalidu ay wada ogtahay waxa ay qabanayso, dalkaan koox kaliya kama taliso

New Deal-ka qaabka uu hadda u socdo maahan mid ay danta Soomaaliyeed ku jirto, beesha caalamku wax ku mahadsanyihiin ballan qaadyada ay bulshada  Soomaaliyeed u fidiyeen, balse  waa inaan helnaa wixii naloo ballan qaaday,  baahida Soomaaliya ka jirta weyntahay iskuul ladhiso, waxaan u baahanahay dib u dhis baaxad leh, waxaan u baahannay Maalgelin dhaqaale waxaan u baahannay shaqo abuur iyo xirfado kala duwan oo dadka la baro.

Caqabadda koowaad ee dalka ka jirta maantay waa Amniga oo nooga baahan inaan tallaabo ka qaadno. Amniga meel fiican ayaa lasoo gaarsiiyey maanta shabaab hadday shalay meelo badan xukumi jireen maanta dhuumaaleysi bay ku jiraan,inay hoteelada qarxiyaan iyo baabuurta halkaas ayey marayaan waana lasii wadi doonaa.

Ciidamada qalabka sida inaan sii hormarinno ayaa nalaka rabaa, ciidamada qalabka sida oo ah astaan Qaran oo Soomaaliya oo dhan ay wada leedahay.

IB0A9320 IB0A8716 IB0A8792 IB0A8795 IB0A8903 IB0A9042 IB0A9055 IB0A9162 IB0A9308

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Shir-Cilmiyeed ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga oo Muqdisho lagu qabtay – SAWIRRO

Next Post

Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta ‘Sawirro”

Next Post
Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta ‘Sawirro”

Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta 'Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In