Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirada Kuwait,Qatar,Urdun iyo madax kale “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirada Kuwait,Qatar,Urdun iyo madax kale “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

28 Maarso 2015, Sharm El Sheikh: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shir madaxeedka waddamada Jaamacadda Carabta ayaa kulamo muhiim ah la yeehay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta.

Madaxda uu Madaxweynaha la kulmey ayaa waxaa ka mid ah Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiiriirka labada dal, isagoo madaxweynaha dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani ayaa sheegay in dowladdiisa ay taageeereyso barnaamijyada dib u dhiska Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku xisaabtamaan taageero shuruud la’aan ah oo uga imaneysa walaalahooda reer Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa sidoo kale uu kulan la qaatey Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabaax Al-Axmad Al-Jaaber Al-Sabaax oo ay is dhaafsadeen xog wareysi ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo doorka Kuwait ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha kulan muhiim ah la qaatey Boqor Cabdalla-ha dalka Urdun oo ay ka wadahadleen arrimo la xiriira iskaashiga labada dal iyo taageerada Urdun u fidineyso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  soo dhoweeyay taageerada Urdun, iyadoo sidoo kale labada dal ay ku heshiiyeen oo kale inay is dhaafsadaan wufuud ka shaqeyn doonta iskaashiga labada dal.

Kulamada Madaxweynaha uu la qaatey hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka waxaa ka mid ah kulan uu la qaatey Madaxweynaha Ciraaq Fu’aad Macsuum, iyo kulan kooban oo uu la yeeshey Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kullamada madaxweynaha uu la yeeshey madaxdan kala duwan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Maaliyadda, Cabdisalaam Cumar Hadliye, Maxamed Aadan Ibraahim , Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar iyo mas’uuliyiin kale.

IMG_5970 IMG_5971 IMG_5975 IMG_5976 IMG_5979 IMG_5980

IMG_5959 IMG_5966 IMG_5986 IMG_5987 IMG_5990 IMG_5992 IMG_5993 IMG_5994

IMG_5962

IMG_5889 IMG_5891 IMG_5894 IMG_5895

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirmadaxeedka Jaamacadda Carabta ee Sharm El Sheikh “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In