Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar “Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaan  koonga oo qiyaastii u jirta 5-km magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Weriyaheena Magaalada Jowhar Abuukar Bacadle oo gaaray Goobta uu shilka ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyay in shilkii galabta ka dhacay degaanka koongo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 3 ruux oo labp ka mid ah ay haween yihiin iyo hal Nabadoon oo caan ka ah degmada Jowhar, halka dhaawacana yahay 4 ruux.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa kala saarnaa gaari Nooha ah oo ka yimid Muqdisho iyo Mooto Bajaaj kuwaasi oo si kedisa iskugu dhacay.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada Gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Maxamed Cabdi Sheekh Muumin iyo Taliyaha saldiga Jowhar dhame Maxamed Siyaad canjeex ayaa sheegay inay u gurmadeen dadka shilkan waxyeelada ka soo gaartay oo labo ka mid ah loola soo cararay Isbitaallada magaalada Muqdisho, halka labada kale la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar.

Dhageyso Guddoomiye ku-xigeenka oo arrintan ka hadlaya.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/09/wARAYSI-maXAMED-cABDI-sHIIKH-sHILKA-jOWHAR.mp3
Previous Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay labo Hindise sharciyeed

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In